Shaxda Arsenal Ku Ciyaari Doonto Kulanka Koowaad Ee Horyaalka Premier League Oo La Saadaaliyey


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa labadii sannadood ee ugu dambeeyey samaynaysay horumar weyn waxaanay kaalinta labaad ka gashay horyaalka Premier League, iyadoo sannadkii labaad kasoo muuqanaysa Champions League oo ay toddoba sannadood ka maqnayd.

Xilli-ciyaareedkii tegay, Manchester City ayaa laba dhibcood oo kaliya kaga qaadday horyaalka, halka xilli-ciyaareedkii ka horreeyeyna shan dhibcood oo kaliya lagaga qaaday horyaalka.

Jamaahiirta kooxda ayaa rajaynaya in xilli-ciyaareedkan soo socda ay Arsenal awoodi doonto inay ka gudubto caqabadihii sababay inay dhibcaha lumiyaan ee fursadda siiyey Manchester City oo meel dambe kasoo carartay, waxaana ay Gunners isku xoojisay Riccardo Calafiori oo ahaa laf-dhabartii difaaca xulka Talyaaniga.

Waxa kale oo ay Gunners raadinaysaa weeraryahan iyo khad dhexe,iyadoo dhinaca kalena uu ka tegay Emile Smith Rowe oo u wareegay Fulham, halka la filayo in Eddie Nketiah uu ka dego Marseille.

Haddaba, sidee ayay noqon doontaa shaxda Arsenal ay ku dheeli doonto kulankeeda koowaad ee horyaalka Premier League oo ay 17 August garoonka Emirates Stadium ku martigelin doonto Wolves?

Goolhaye

Arsenal waxa ay si rasmi ah ula wareegtay goolhaye David Raya oo xilli-ciyaareedkii hore ay amaah kaga soo qaateen Brentford, waxaanay ka bixiyeen £27 milyan oo Gini. Raya ayaa laga dhaliyey 29 gool oo kaliya 36 ciyaarood oo Premier League ah oo uu dheelay.

Waxa uu mar kale noqon doonaa goolhayaha koowaad ee Arsenal, isaga oo kusoo bilaaban doona ciyaarta Wolves, halka Aaron Ramsdale uu kaydka fadhiyi doono.

Difaaca

William Saliba iyo Gabriel Magalhaes ayaa ahaa labada difaac ee xilli-ciyaareedkii hore bandhigga fiican sameeyey, laakiin imaatinka Riccardo Calafiori oo ay Gunners kasoo bixisay £42 milyan oo Gini waxa ay sii xoojin doontaa awooddooda.

Jurrien Timber ayaa sidoo kale kasoo kabtay dhaawac uu ku maqnaa xilli-ciyaareedkiisii koowaad iyadoo Gunners kasoo bixisay £34 milyan oo Gini xagaagii hore. Ben White ayaa sidoo kale diyaar ah taam yahay.

Wargeyska Daily Mirror ayaa sheegay in Mikel Arteta uu difaaca kusoo bilaabi doono William Saliba, Gabriel Magalhaes, Jurrien Timber iyo Ben White.

Khadka Dhexe

Declan Rice ayaa lama taabtaan u noqday khadka dhexe ee Arsenal, sidoo kalena Thomas Partey ayaa jooga isaga oo kasoo kabtay dhaawacyadii ragaadiyey. Labadan ciyaartoy ayaa kusoo wada bilaaban doona khadka dhexe iyadoo kaydka loo dirayo Jorginho, halka Martin Odegaard uu noqon doono caawiye weerarka ah.

Arsenal waxa ay sidoo kale qarka u saaran tahay saxeexa khadka dhexe ee Real Sociedad iyo xulka Spain ee Mikel Merino, balse waqtiga kooban ee ka hadhsan furitaanka Premier League ayaa sababi doona in xataa haddii uu yimaaddo Emirates Stadium, in aanu kusoo bilaabannin ciyaartan.

Weerarka

Arsenal waxa ay xilli-ciyaareedkii hore dhalisay 91 gool oo horyaalka Premier League, waxaana goolasha ugu badan saxeexay Bukayo Saka oo 16 jeer shabaqa soo taabtay. Kai Havertz oo ay Arsenal xagaagii hore kaga soo iibsatay Chelsea lacag dhan £65 milyan oo Gini ayaa isaguna dhaliyey 14 gool.

Mikel Arteta waxa uu ogyahay inuu u baahan yahay dhaliye dabiici ah oo booska No.9 ka dheela oo xilli-ciyaareedkii u saxeexi kara in ka badan 20 gool oo Premier League ah, waxaana wali aan kooxna tegin Ivan Toney iyo Victor Osimhem inkasta oo qiimahoodu qaali yahay.

Ciyaarta koowaad, waxa ay Gunners kusoo bilaaban doontaa Gabriel Jesus, Gabriel Martinelli iyo Leandro Trossard, inkasta oo laacibka reer Belgium uu booska kala bixi doono Bukayo Saka haddii uu tababarka si fiican u qaato maalmaha soo socda maadaama uu ku habsaamay fasaxii uu galay markii uu xulkiisa England tegay finalka Euro 2024.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*