RASMI: Xulka Qaranka England Oo Loo Magacaabay Tababare Cusub


Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa magacaabay tababare cusub oo ku-meelgaadh ah oo hoggaamin doona xulka qaranka Ingiriiska oo bishii hore uu iska casilay Gareth Southgate, kaddib markii ay ku guuldaraysteen finalkii labaad ee tartanka qaramada Yurub ah.

Xidhiidhka FA ayaa waxa uu shaaciyey, in ay tababarahooda cusub ee ku-meelgaadhka ah uu noqon doono Lee Carsley oo hore u ahaa tababaraha xulka qaranka England ee da’yarta, xilkaas oo uu hayay tan iyo sannadkii 2021.

Lee Carsley oo khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda Everton iyo xulka England, ayaa waxa uu hore tababare ugu soo noqday xulalka Finald iyo Republic of Ireland oo uu ku hoggaamiyey Koobkii Adduunka 2022.

Tababare ku-xigeenka ku-meelgaadhka ah ee xulka England ayaa sidoo kale loo magacaabay Ashley Cole, waxaana ay ciyaarahooda ugu horreeya daadinin doonaan tartanka UEFA Nations League.

Lee Carsley ayaa ixtiraam badan ku leh waddanka UK, sababtoo ah waxa uu sannad ka hor u qaaday tartanka Euro ee da’yarta, iyadoo dalkaasi aanu muddo 39 sannadood ah ku guuleysanin wax koob ah, haddana waxa ay rajaynayaan in badan oo Ingiriis ah in uu soo afjari doono abaarta koobab la’aanta ee xulka koowaad oo aan wax koob ah ku guuleysanin tan iyo sannadkii 1966kii, waqtigaas oo ay qaadeen Koobka Adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*