Garoonka Manchester United Ee Old Trafford Oo La Dhalan-geddiyey


Manchester United ayaa casriyeysay waddada ay ciyaartoydu kasoo galaan ama ka baxaan garoonka ee afka qalaad loo yaqaano ‘Tunel’, halkaas oo muuqaal cusub ay ciyaartoydu ku arki doonaan xilli-ciyaareedkan marka ay soo gelayaan garoonka.

Sir Jim Ratcliffe ayaa durba isbeddello ku sameeyey garoonka Old Trafford, waxaana uu daboolay meelo uu  biyaha kasoo deynayey iyo meelo kale oo muuqaalkiisu ahaa mid aan fiicnayn.

12kii bilood ee ugu dambeeyey, waxa ay warbaahintu ka sheekaynaysay garoonka Old Trafford oo mararka qaarkood lasoo bandhigay isaga oo biyaha soo deynaya, waxaana sidoo kale jirtay cabsi ah inuu dumayo.

Ciyaar u dhaxaysay Manchester United iyo Arsenal oo ka dhacday Old Trafford xilli-ciyaareedkii hore, ayaa waxa la arkay muuqaalka garoonka oo meelo badan oo dusha sare ah kasoo deynaya biyaha, sidoo kalena qolalka labbiska ciyaartoyda ay biyo dhax socdaan.

Intii lagu maqnaa fasaxa xagaaga, ayaa waxa shaqo laga qabtay garoonka Old Trafford iyadoo la gufeeyey meelihii uu biyaha kasoo deynayey, sidoo kalena waddada ay ciyaartoydu soo maraan marka ay soo gelayaan garoonka qaybta lagu ciyaaro ayaa lagu naqshadeeyey midabbada dharka kooxda ee madowga iyo casaanka, sidoo kalena waxa lagu xidhay laydh ama iftiin ka duwan midkii hore ugu xidhnaan jiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*