DEG-DEG: Chelsea Oo La Saxeexatay Weeraryahan Dilaa Ah Oo Noqday Saxeexii 9aad


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la saxeexatay weeraryahan dilaa ah oo ay kusoo kordhin doonto safkeeda, waxaanu noqday saxeexii sagaalaad ee ay Chelsea samayso xagaagan aynu ku jirno.

Kooxda reer London ee dhibaatooyinka ku jirtay sannadihii ugu dambeeyey ayaa sii wadda inay awood dhaqaale ku muquuniso suuqa iibka ciyaartoyda, waxaanay maanta dhamaystireen saxeexa weeraryahanka reer Portugal ee Pedro Neto oo ay kala soo wareegayaan kooxda horyaalka Premier League ee Wolves.

Pedro Neto ayay Chelsea ka bixin doontaa lacag gaadhaysa £54 milyan oo Gini oo naqad ah iyo £2.5 milyan oo Gini oo kale oo ku xidhnaan doona bandhigga iyo guulaha uu garabkan weerarku la gaadho naadigiisa cusub.

Blues ayaa intii uu furnaa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxa ay lasoo wareegtay xiddigaha kala ah: Tosin Adarabioyo, Kiernan Dewsbury-Hall, Omari Kellyman, Marc Guiu, Renato Veiga, Caleb Wiley, Filip Jorgensen iyo Estevao Willian oo dhamaantood soo gaadhay Stamford Bridge, waxaana hadda raadkooda soo raacay Neto.

Maalmaha soo socda ayuu Neto tijaabada aafimaadka u mari doonaa Chelsea oo mar horeba ay isla meel-dhigeen heshiiskiisa shaqsiga ah.

24 jirkan ayaa Wolves ay kasoo iibsatay Sporting Braga sannadkii 2019, waxaana hadda ay Wolves beddelkiisa ka dhigan doontaa Carlos Forbs oo ay doonayaan inay kala soo wareegaan Ajax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*