Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda Liverpool Ee Xilli-Ciyaareedka 2024/25?


Liverpool wali ma aanay samaynin wax saxeex cusub ah xagaagan, iyadoo waliba ay naadiga ka baxeen dhawr ciyaartoy iyo tababare Jurgen Klopp oo la rumaysnaa in uu yahay niyadda kooxda iyo qofka ay ku xidhan tahay guushu.

Tababare Arne Slot ayaa doonaya inuu dhawr ciyaartoy ku xoojiyo safkiisa, balse waqtiga ayaa ku yar maadaama uu horyaalka Premier League bilaabmayo Jimcaha soo socda, taas oo ka dhigan in wax ka yar hal toddobaad uu ka hadhsan yahay bilowga xilli-ciyaareedka.

Ciyaartoyda ay Liverpool lumisay ayaa kala ah Thiago Alcatantara oo ciyaaraha ka fadhiistay, Joel Matip iyo Adrian, balse hadda waxa ay Liverpool dhaxda u xidhatay heshiiska khadka dhexe ee xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Sociedad ee Martin Zubimendi oo ah burburiye ay tayadiisu sarrayso.

Waxa kale oo ay Liverpool doonaysaa inay la saxeexato garabka weerarka kooxda Newcastle United iyo xulka England ee Anthony Gordon oo sannad ka hor ay Magpies kala soo wareegtay Everton oo ay xafiiltamaan Liverpool.

Haddaba sidee ayay noqon doontaa shaxda Liverpool ee xilli-ciyaareedka 2024/25?

Tababare Arne Slot waxa uu ogyahay in kooxdiisu ay ku jirto afarta tartan ee Premier League, Champions League, FA Cup iyo Carabao Cup, sidaa daraadeedna ay qasab tahay inuu is-xoojin sameeyo gaar ahaan difaaca iyo khadka dhexe.

Saadaaliyeyaasha ciyaaraha ayaa rumaysan in Liverpool ay adag tahay inay samayso wax ka badan laba saxeex waqtigan, waxaanay labada ciyaartoy noqon karaan Zubimendi iyo Anthony Gordon, inkasta oo laacibkan dambe ay adag tahay helistiisu.

Difaaca dhexe ayaa waxa uu Arne Slot ka ciyaarsiin doonaa Ibrahima Konate iyo Virgil van Dijk oo 64 kulan iska garab ciyaaray, waxaana dhinacyada ka xigi doona Trent Alexander-Arnold iyo Andy Robertson.

Qorshaha Slot ayaa ah, in qaabka kooxdiisu uu noqdo 4-2-3-1, waase haddii uu helo Gordon iyo Zubimendi, waxaana khadka dhexe lagu aamini doonaa Mac Allister iyo Zubimendi oo ay ka horreynayaan Szoboszlai, Salah iyo Gordon, kuwaas oo uu kasii horreyn doono Darwin Nunez ama Diogo Jota oo weerarka dhexe noqon doona.

Waatan shaxda ay Liverpool qorshaynayso inay ku ciyaarto:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*