DAAWO: Lambarka Uu Dani Olmo U Xidhanayo Barcelona Oo La Shaaciyey


Inkasta oo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin heshiiskiisa, haddana maanta waxa lasoo bandhigay lambarka uu kubbad-sameeyaha reer Spain u xidhan doono kooxdiisa cusub oo maanta uu tijaabada caafimaadka u maray, isla markaana saacadaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqi doono.

26 jirkan oo kasoo baxay kulliyadda Barcelona oo uu ka tegay sannadkii 2016kii, ayaa mar kale dib ugu soo laabanaya iyadoo Barcelona lacag ka badan 45 milyan oo Euro kaga soo iibsatay RB Leipzig.

Dani Olmo ayaa khadka dhexe kula midoobi doona Pedri, Gavi, Frenkie de Jong iyo Ilkay Gundogan oo uu kula tartami doono sidii uu boos joogto ah uga heli lahaa, waxaana haddaba ay taageereyaashu sii ogaadeen lambarka uu xidhan doono.

Warbaahinta Spain ayaa soo bandhigtay muuqaalkan hoose oo ah Dani Olmo oo soo bandhigaya No.20 oo uu magaciisu ku qoran yahay, taas oo ka dhigan inuu xidhan doono lambarkan xilli-ciyaareedka soo socda.

No.20 ayaa waxa banneeyey Sergi Roberto oo ay Barcelona fasaxday markii uu qandaraaskiisu dhamaaday, waxaana sidoo kale lambarkan xidhan jiray Deco oo ah agaasimaha ciyaaraha Barcelona oo hore u ahaa mishiin kooxda guulo badan la gaadhay waqtigii uu u ciyaarayey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*