Ciyaartoyda Manchester United Oo Sameeyey Tababarkii Ugu Dambeeyey Ka Ciyaarta Community Shield Ee Man City


Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa sameeyey tababarkii ugu dambeeyey ee ay iskugu diyaarinayaan ciyaarta Manchester City ee Community Shield ee Sabtida, waxaana tababare Erik ten Hag ay muruguo ka haysataa khadka difaaca oo ay durba ku bilowdeen dhaawacyo.

Ciyaartoyda Manchester United oo maanta u safray magaalada London maadaama berri ay garoonka Wembley ku kala calaf-qaadi doonaan Manchester City, ayaa waxa uu tababare Ten Hag ciyaartoydiisa kusii layliyey xeeladda uu doonayo inay ku dheelaan.

Difaacyahannada Harry Maguire, Victor Lindelof iyo Aaron Wan-Bissaka oo dhamaantood dhaawac ah ayaa ka maqnaa tababarkii shalay, waxaana uu Ten Hag xaqiijiyey in uu shaki ku jiro inay dheeli doonaan.

“Harry Maguire waxa uu ku maqnaaday taxadar aanu ka samaynay xaaladdiisa, calaamatu su’aal ayaana saaran Sabtida. Markaa, waynu eegi doonaa haddii uu taam noqdo.” Ayuu yidhi Ten Hag.

Waxa uu intaa ku daray: “Victor taam ma aha, Azza (Wan-Bissaka) isagana waa la qiimayn doonaa.”

Ka sokow saddexdan difaac, waxa kaleoo ay Manchester United qiimayn doontaa xaaladda difaaca bidix ee Luke Shaw oo aan qayb ka ahayn safarkii kooxdiisa ee Maraykanka maadaama uu finalkii Euro 2024 u dheelay xulka qarankiisa England, balse Lisandro Martinez ayaa diyaar u aha inuu ciyaaro kulankan.

Waxa kale oo hore loo xaqiijiyey maqnaanshaha saddexda ciyaartoy ee Tyrell Malacia oo aan isagu kasoo kabannin dhaawac uu xilli-ciyaareedkii hore oo dhan u jiifay, Rasmus Hojlund oo wax ku noqday tababarkii Maraykanka iyo Leny Yoro oo ku dhaawacmay ciyaarihii saaxiibtinimo.

Si kastaba ha ahaatee, booska weerarka dhexe ee Manchester United ayaa la filayaa inuu usoo bilaaban doono Joshua Zirkzee oo ay Red Devils kasoo iibsatay Bologna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*