Liverpool Oo Calaamadsatay Xiddiga LABAAD Ee Ay La Saxeexanayso Marka Uu Anfield Soo Gaadho Martin Zubimendi


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dalab ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee reer Spain ee Martin Zubimendi oo ay hore u doonayeen kooxo waaweyn oo Premier League ah, sida Arsenal oo in badan indhaha ku haysay kubbad burburiyahan.

Liverpool ayaa u aragta Martin Zubimendi in uu yahay xiddiga ugu habboon ee buuxin karaya booska ay ka liigayaan ee No.6, waxaana laacibkan si shaqsi ah u dalbaday tababare Arne Slot oo aan illaa hadda wax saxeex ah samaynin xagaagan.

Qandaraaska uu Martin Zubimendi kula jiro Real Sociedad ayaa lagu burburin karayaa lacag dhan £51 milyan oo Gini oo ay Liverpool ku qasbanaan doonto inay bixiso, hase yeeshee kalidii ma aha ciyaartoyda ay doonayaan inay la saxeexdaan.

Sida uu ku warramayo wargeyska GMS ee kasoo baxa waddanka Maraykanka, Arne Slot waxa kale oo doonayaa in uu kooxda ka xoojiyo difaaca dhexe iyo labada garab ee weerarka, waxaana uu calaamadsaday Maxence Lacroix oo u dheela Wolfsburg iyo Antonio Silva oo difaaca dhexe uga ciyaara Benfica, halka Antohony Gordon oo Newcastle United ah iyo Ederson oo Atalanta u dheela ay iyagana muddo saarnayd diiradda Liverpool balse ay adag tahay inay helaan xagaagan.

Dhinaca kale, Liverpool waxa ay qorshaynaysaa inay amaah ku dirto xiddigaha da’da yar ee Fabio Carvalho, Tyler Morton, Bobby Clark iyo Sepp van den Berg amaba ay qaarkood iibiso, halka mustaqbalka Wataru Endo uu hubanti la’aan noqon doono haddii uu kooxda yimaaddo Martin Zubimendi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*