Xabi Alonso Oo Saadaaliyey Kooxda Ku Guuleysanaysa Horyaalka Premier League


Tababaraha kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen ee Xavi Alonso ayaa saadaaliyey horyaalka Premier League kaddib markii ay kooxdiisu ciyaar saaxiibtinimo oo 4-1 lagu karbaashay ay xalay la dheeleen Arsenal, waxaana uu sheegay in aanu shaki ku jirin in Gunners ay ku dagaallamayso ku guuleysiga horyaalka Premier League.

Arsenal oo labadii sannadood ee ugu dambeeyey si dirqi ah ay Man City kaga qaadday horyaalka isla markaana waqti dambe la dhaafay, ayaa waxa xagaagan ay isku xoojisay difaaca xulka Talyaaniga ee Riccardo Calafiori.

Goolasha ay Arsenal ku muquunisay Leverkusen waxa u kala dhaliyey Oleksandr Zinchenko, Leandro Trossard, Gabriel Jesus iyo and Kai Havertz, waxaana markii ay ciyaartu soo dhamaatay warbaahinta la hadlay tababare Xabi Alonso oo la weydiiyey haddii ay Arsenal awoodi karayso inay ku guuleysato horyaalka Premier League, waxaanu ku jawaabay: “Marka hore, waxa aan ka hadlayaa ciyaartan waxaanan qirayaa in bandhigayagu aanu ahayn mid wanaagsan, kumana faraxsani, laakiin waxa aan ku faraxsanahay in bandhigan liita uu yimid maanta [ciyaar saaxiibtinimo].

“Waxa hubaal ah inuu noo yahay wicitaan aanu hurdada kaga toosayno. Xilli-ciyaareedkan, waxa aanu kasoo bilaabaynaa meel madhan, heerkayaguna wuu ka hooseeyey sidii aanu caadiyan ahayn. Haddii aanaan heerkayaga ciyaareed sare usoo qaadin macquul ma aha in aanu tartanno.

“Dhinaca Arsenal, waxa hubaal ah in aanay ahayn sidii sannadkii hore. Waxa ay abuureen mashruuc fiican, Mikel waxa uu hoggaaminayaa koox wanaagsan oo aan hubo inay koobab waaweyn ku tartami doonto. Man City ayaa iyaduna joogta oo tartamaysa, Liverpool ayaa iyaduna la tartami doonta.”

Si kastaba ha ahaatee, Xabi Alonso waxa uu kaliya kooxaha tartamaya ku sheegay Arsenal, Manchester City iyo Liverpool, isaga oo aan soo qaadin naadiyada is-dhisaya ee Chelsea iyo Manchester United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*