Manchester United Oo Bixisay Qishka Saxeex Cusub Oo Ka Farxiyey Taageereyaasheeda


Taageereyaasha Manchester United ayaa ku farxay qish ay ka heleen kooxdooda oo muujinaya inay suurtogal tahay in tababare Erik ten Hag uu sameeyo saxeex cusub oo khadka dhexe ah oo uu ku xoojiyo naadigiisa, si ay ugu tartami karaan horyaalka Premier League.

United oo xagaagan la saxeexatay Leny Yoro iyo Joshua Zirkzee oo uu Ten Hag ku xoojiyey difaaca iyo weerarka, kaddib xilli-ciyaareed ay ku dhamaysteen kaalinta siddeedaad ee Premier League, ayaa waxa haddana ay kooxdu bixisay qish ah inay safkeeda kusoo kordhinayso khad dhexe.

Xilli-ciyaareedkii hore, Man United ayaa waxa ay diciif ka ahayd khadka dhexe waxaana inta badan ciyaaray Kobbie Mainoo oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta, hase yeeshee waxa ay hadda Red Devils u xidh-xidhanaysaa sidii ay ku heli lahayd xiddiga reer Uruguay ee Manuel Ugarte oo u dheela PSG.

Kooxda reer France ayaa la rumaysan yahay inay dalbanayso £51 milyan oo Gini, waxaana uu Sir Jim Ratcliffe ka warwareegayaainuu bixiyo lacagtaas isaga oo eegaya dookhyo kale oo ka jaban sida Sander Berge oo u dheela Burnley, Youssouf Fofana oo ka tirsan Monaco balse qarka u saaran AC Milan iyo Martin Zubimendi oo u ciyaara Real Sociedad iyo xulka Spain balse ay si weyn u doonayso Liverpool.

Dookh kale waxa uu ahaa Sofyan Amrabat oo Man United ay xilli-ciyaareedkii hore amaah kagala soo wareegtay Fiorentina, balse aanay illaa hadda wax go’aan cad ah ka qaadan inkasta oo ay si rasmi ah ugula wareegi karayaan £21.4 milyan oo Gini.

Website-ka Manchester United ayaa lagu baahiyey sawirro laga soo qaaday qolka labbiska Manchester United, waxaana wali sudhan garanka uu kooxda u xidhnaa Amrabat oo ah naqshadda cusub ee ay kooxdu hadda soo daabacday.

Arrintan ayay taageereyaashu u arkeen inay ka dhigan tahay inuu Sofyan Amrabat si rasmi ah ugu soo wareegayo kooxdooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*