Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaadhay Xiddig Uu Jeclaaday Pep Guardiola Ee Rodrygo


Maalmihii ugu dambeeyey waxa ay warbaahinta dunidu hadal haysay xiddiga reer Brazil ee Rodrygo ee u dheela Real Madrid oo la sheegay inuu yahay ‘saxeexa uu ku riyoonayo Pep Guardiola’, kaas oo doonaya inuu naadigiisa ku xoojiyo si uu ugu buuxiyo booska uu bannaynayo Julian Alvarez oo kusii jeeda Atletico Madrid.

23 jirkan oo ay Real Madrid kasoo iibsatay kooxda reer Brazil ee Santos isaga oo carruur ah, ayaa waxa la sheegay in tababare Pep Guardiola uu jeclaaday qaab-ciyaareedkiisa isla markaana isku dayayo in kooxdiisu ay la saxeexato wax kasta oo ay ku kacayso.

Warbaahinta qaarkeed ayaa sheegaysa in Manchester City ay iibka Rodrygo Goes u qorshaysay lacag dhan €75 milyan oo Gini, waxaana uu Guardiola rumaysan yahay in Rodrygo uu doorbidayo inuu iskaga tago Real Madrid maadaama uu kooxda yimid Kylian Mbappe oo aanu damaanad u haysanin inuu helayo boos joogto ah.

Si kastaba ha ahaatee, Carlo Ancelotti ayaa u arka Rodrygo inuu yahay ciyaartoy laf-dhabar ah oo aanay kooxdiisu sinaba ku lumin karaynin, waxaana uu qorshaynayaa in uu afka hore ee weerarka kala ciyaarsiiyo Kylian Mbappe iyo Vinicius Junior.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*