Waa Maxay Sababta Uu Kai Havertz U Xidho No.29?


Laga soo bilaabo markii uu kasoo dallacay kooxda da’yarta Bayer Leverkusen sannadkii 2017, xiddiga reer Germany ee Kai Havertz waxa uu xidhnaa No.29 oo ay ugu jirto sir qarsoon oo sabab u noqotay inuu mar walba doorto lambarkan, inkasta oo xulka qarankiisa Germany uu u xidho No.7.

Kai Havertz ayaa markii ay dunidu baratay waxa uu u dheelayey Bayer Leverkusen isaga oo xidhnaa No.29, waxaana lasoo wareegtay Chelsea sannadkii 2020 oo iyagana uu isla lambarkii u xidhay, halka Arsenal oo sannadkii 2023 kasoo iibsatay Chelsea uu iyagana doortay inuu u xidho No.29.

Dad badan ayaa is-weydiiya sababta uu laacibkani u xidho No.29 iyadoo ay bannaan yihiin lambaro yaryar oo ah kuwa ay inta badan ciyaartoydu jecel yihiin.

Sannadkii 2021, ayaa waxa  Kai Havertz su’aashan weydiiyey wargeyska The Athletic, waxaana uu ku jawaabay: “Markii aan yaraa, waxa aan dheeli jiray ciyaar-gacmeedka FIFA ama Pro Evolution Soccer oo aanu walaalkay wada ciyaari jirnay. Mar walba annaga ayaa samaysan jirnay ciyaartayada, anigu waxa aan qaadan jiray No.10, kabaha dahabka ah iyo wax kasta oo aan jecelahay, walaalkayna waxa uu qaadan jiray No.29.

“Markii aan noqday xirfadlaha, Bayer Leverkusen ayaa i weydiisay lamabrka aan doonayo in aan xidho, waxa aan su’aalay lambarka bannaan. Waxay igu yidhaahdeen No.29, kaddibna walaalkay dartii ayaan u qaatay. Mararka qaarkood nasiib ayuu ii yahay, mararka qaarkoodna iima aha, haddana qof kasta lambarkan ayuu igu garanayaa.”

Lambarradii uu soo xidhay Kai Haverts
Sannadadii Kooxihii Lambarka
2015/16 Bayer Leverkusen U17 10
2016/17 Bayer Leverkusen U19, Bayer Leverkusen 17, 29
2017–2020 Bayer Leverkusen 29
2020–2023 Chelsea 29
2023–illaa hadda Arsenal 29

 

Lambarradii uu usoo xidhay xulka Germany
Sannadkii Kooxihii Lambarrada
2015/16 Germany U17 7, 10
2017/18 Germany U19 10
2018/19 Germany 23, 20, 7
2020/21 Germany 21, 18, 19, 7
2021–Illaa hadda Germany 7

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*