Waa Maxay Arrinta Layaabka Ku Noqotay Tababareyaasha Real Madrid Ee Ay Kala Kulmeen Kylian Mbappe?


Real Madrid waxa ay gashay usbuucii ugu dambeeyey ee ay iskugu diyaarinayso xilli-ciyaareedka cusub ee 2024/25 oo ay ku furan doonto ciyaarta Koobka ah ee UEFA Super Cup oo maalinta Arbacada ee 14 August ay la dheeli doonaan kooxda Talyaaniga ee Atalanta.

Real Madrid oo kusoo guuleysatay Champions League iyo Atalanta oo soo qaadday Europa League kaddib markii ay karbaashtay Liverpool iyo Bayer Leverkusen, ayaa ku kala calaf-qaadi doona UEFA Super Cup.

Tiro ka mid ah ciyaartoyda Real Madrid ayaan qayb ka noqonin safarkii ay kooxdoodu ku tagtay waddanka Maraykanka, sababtoo ah waxay ahaayeen ciyaartooyo kusoo habsaamay xulalkooda oo u dheelay finalladii Euro 2024 iyo Copa America.

Ciyaartoydan oo shalay tababarka kusoo laabtay waxa ka mid ahaa saxeexa cusub ee Kylian Mbappe oo shalay markii ugu horreysay iska xaadiriyey xarunta tababarka naadigiisa cusub ee uu sida xorta ah ugaga soo wareegay PSG.

Sida uu qoray wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanak Faransiiska, Mbappe ayaa waxa tababarka si gaar ah u siinayey tababaraha jidh-dhiska Real Madrid ee Antonio Pintus, iyadoo mar dambena uu goobta yimid Carlo Ancelotti oo ay kooxdiisu shalay kasoo laabatay waddanka Maraykanka.

Wargeyska ayaa sheegay in Antonio Pintus iyo Carlo Ancelotti ay layaabeen qaab-dhismeedka jidheed ee Kylian Mbappe iyo sida uu taamka u yahay, waxayna go’aamiyeen in ay siiyaan tababar gaar ah si uu taam ahaanshihiisa jidheed heerka ugu sarreeya usii gaadho.

Pintus ayaa la sheegay in uu u arkay Mbappe ciyaartoy ka duwan xiddigaha kale ee kooxda, marka laga eego dhinaca jidh ahaanta, waxaana uu kalsooni buuxda ku qabaa inuu si fiican ugu diyaar-garoobi doono ciyaarta UEFA Super Cup ee Arbacada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*