DEG-DEG: Garsooraha Ciyaarta Man City vs Man United Ee Community Shield Oo La Beddelay


Xidhiidhka garsoorka kubadda cagta Ingiriiska ee PGMOL ayaa beddelay garsooraha ay u doorteen ciyaarta koobka ah ee Manchester United vs Manchester City ee FA Community Shield oo ka dhici doona garoonka Anfield maalinta Sabtida ee foodda innagu soo haysa.

Ciyaartan koobka ah ayaa waxa hore loogu doortay inuu dhaxdhaxaadiyo John Brooks, laakiin hadda ayaa waxa uu xidhiidhka garsoorku sheegay in Brooks uu dhaawacan yahay oo aanu ciyaartan maamuli karaynin, waxaana lagu beddelay Jarred Gillett.

Garsooraha hadda la magacaabay ee Gillett ayaa markii hore waxa uu ku qornaa inuu ahaado garsooraha afraad ee ciyaartan, waxaana loosoo dallacsiiyey siidhiwalaha koowaad, halka booskiisii garsooraha afrnaadna loo magacaabay Sam Barrott oo aan markii hore ku jirin liiska.

Labada calan-wade ee ciyaartan ayaa noqon doona Adrian Holmes iyo Nick Greenhalgh oo dhinacyada ka taageri doona Gillett.

VAR ayaa waxa loo magacaabay inuu fadhiyo oo uu go’aamada ka caawiyo garsooraha dhexe Stockley Park oo ay gacan-yareyaal u noqonayaan Sian Massey-Ellis iyo Tim Robinson.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*