Waqtiga Ay Barcelona Soo Bandhigayso Saxeexeeda Cusub Ee Dani Olmo Oo La Shaaciyey


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qarka u saaran dhamaystirka heshiiska xiddiga khadka dhexe ee reer Spain ee Dani Olmo  oo ay kala soo wareegayaan RB Leipzig, waxaana saacadaha soo socda ay Barca si rasmi ah ugu dhawaaqi doontaa heshiiska laacibkan.

Dani Olmo  ayaa u saxeexi doona Barcelona heshiis socon doona illaa sanadka 2030, isaga oo dib ugu soo laaban doona naadiga uu carruurnimadiisii u dheeli jiray ee uu kulliyaddeeda kasoo baxay.

Barcelona oo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan aamus kaga jirtay, ayaa waxa uu Dani Olmo  u noqonayaa saxeexii koowaad ee ay lasoo wareegaan, waxaana uu hadda ku sugan yahay magaalada Barcelona oo uu ku marayo tijaabada caafimaadka.

Sida ay warbaahinta Spain sheegtay, maalinta Jimcaha ee berri marka ay Saacaddu tahay 11.00 CEST ayaa Barcelona ay si rasmi ah usoo bandhigi doontaa saxeexeeda cusub.

Dani Olmo  oo ahaa ciyaartoygii ugu goolasha badnaa tartankii qaramada Yurub ee Euro 2024 ee uu xulka Spain ku guuleystay bishii hore ee July, ayaa waxa ay Barcelona kula soo wareegaysaa lacag dhan 47 milyan oo Euro oo naqad ah iyo lacago kale oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa iyo guulaha uu ku gaadho Camp Nou.

Si kastaba ha ahaatee, Dani Olmo waxa uu dib ugu soo laabanayaa Barcelona oo uu ka tegay markii ay da’diisu ahayd 16 jir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*