Endrick Oo Si Aan Gabbasho Lahayn U Kala Doortay Jude Bellingham Iyo Neymar Jr.


Xiddiga cusub ee Real Madrid ee Endrick ayaa si aan gabbasho lahayn uga jawaabay su’aal la weydiiyey oo ahayd inuu kala doorto Jude Bellingham iyo Neymar Jr.

Endrick oo ay da’diisu tahay 18 jir ayaa bishii hore ee July kusoo biiray Real Madrid oo kasoo iibsatay Palmerias, waxaana uu ciyaartiisii koowaad saftay kulankii saaxiibtinimo ee AC Milan ee toddobaadkii hore, halka ciyaartiisii labaadna ay noqotay kulankii Barcelona.

Inkasta oo ay kooxdiisu guul-darraysatay labada ciyaarooba, haddana waxa uu ahaa laacibka hoggaaminayey weerarka dhexe ee kusoo bilowday maadaama ay maqnaayeen inta badan ciyaartoyda waaweyn ee Real Madrid.

Endrick ayaa la weydiiyey inuu kala doorto xiddiga ay isku waddanka yihiin ee Neymar Jr iyo laacibka ay isku kooxda yihiin ee Jude Bellingham oo aanay wali is arag, maadaama uu Bellingham ku maqan yahay fasax, waxaanu yidhi: “Bellingham iyo Neymar aa? Waxa aan dooranayaa Bellingham.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*