Shaxaha Macquulka Ah Ee Man United Vs Man City Ee Kulanka Community Shield Iyo Red Develis Oo Baxar Ku Jirta


Xili ciyaareed kasta oo horyaalka Premier League ah waxaa lagu furaa kulanka finalka Community Sheild kaas oo lagu sii saadaaliyo kooxaha koobka ku tartami doona xili ciyaareedka cusub.

Kulanka finalka Community Sheild ee sanadkan waxaa ku balansan kooxaha reer Manchester ee United iyo City waxaana kulankan la ciyaari doonaa August 10 isaga oo noqon doona furitaanka xili ciyaareedka cusub ee 2024-25 .

Manchester United waxay la dhibtoonaysaa dhaawacyo ka hor kulanka Manchester City waxayna arintani walwal wayn ku tahay jamaahiirta United oo sanadihii ugu danbeeyay dhibane u ahaa kooxda Pep Guardiola ee City.

Kulanka finalka Community Sheild waa ku celiska finalkii FA Cup ee xili ciyaareedkii la soo dhaafay markaas oo ay Man United koobka FA Cupka ka qaaday City waxayna noqon doontaa markii ugu horaysay ee ay laba final ku garaacaan City tan iyo waqtigii Sir Alex Ferguson.

Man United waxaa dhaawacyo kulankan kaga maqnaan doona  Rasmus Hojlund, Antony, Marcus Rashford, iyo xidiga ku qiimaysan £52million ee Leny Yoro kaas oo kulankiisii ugu horeeyay ee United dhaawac soo gaadhay.

Halkan hoose kaga bogo shaxaha macquulka ah ee la saadaalinayo in Man United iyo Man City ay la soo shir tagi doonaan kulanka Community Sheild

Shaxda Macquulka ah Ee Man City

Shaxda Macquulka ah Ee Man United

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*