WARKII LA SUGAYAY: Jurgen Klopp Oo Ugu Danbayn Ka Jawaabay In Uu Noqonayo Macalinka Xulka England.


Tababarihii hore ee kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa markii ugu horaysay ka hadlay shaqada tababarinimo ee xulka qaranka England oo si wayn loola xidhiidhinayay tan iyo markii uu iscasilay Gareth Sougthgate.

Xulka qaranka England oo muddo dheer aan wax koobab ah ku guulaysan ayaa finalkii Euro 2024 waxa ay guuldaro kala kulmeen dhigooda Spain waxayna taasi keentay in Sougthgate uu shaqadii iskaga tago.

Jurgen Klopp oo dhamaadkii xili ciyaareedkii hore ka baxay Liverpool oo uu guulo taariikhi ay soo gaadhsiiyay ayaa ka mid noqday tababarayaasha ugu cad cad ee xulka qaranka England la wareegi kara.

Laakiin Jurgen Klopp oo arintan wax laga waydiiyay ayaa niyad jabiyay jamaahiirta Three Lions kadib markii uu xaqiijiyay in waqti xaadirkan aanu diyaar u ahayn in uu shaqada tababaranimo ku soo laabto haddii ay xul tahay iyo haddii ay koox tahayba.

Jurgen Klopp oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay shaqada tababaranimo ee xulka England ayaa yidhi: “Waqti xaadirkan ma jiro haba yaraatee wax la xidhiidha shaqo, haddii ay koox tahay iyo haddii ay wadan tahayba”.

Wararka ayaa sheegaya in tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Graham Potter uu hadda yahay tababaraha ugu cad cad ee xulka England la wareegi kara waxaana sidoo kale liiska ku jira isla tababarihii hore ee Chelsea ee Mauricio Pochettino.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*