QOSOL: Maxaa Kala Qabsaday Ronaldo-hii Reer Brazil Iyo Peter Crouch Markii Ay Fasax Isku Arkeen


Ciyaartoyda kubbada cagtu marka ay shaqada kubbada cagta ka fadhiistaan waxay galaan xaalado kala duwan, waxaana mid ka mid ah oo qosol badan ka sheekeeyey Peter Crouch taa soo dhex martay xidigii aduunka ka soo yaabsaday ee Ronaldo  Nazário.

Halyayga reer Brazil ee Ronaldo  Nazário ayaa loo tix galiyaa No.9 kii abid aduunka ugu fiicnaa ee kubbada cagta soo maray laakiin markii uu ciyaaraha ka fadhiistay waxa uu noqday mid gabi ahaanba xaaladiisa jidh ahaaneed ay isku badashay sidii qof aan waligii ciyaaro soo marin.

Peter Crouch ayaa ka sheekeeyay arin layaableh oo isaga iyo Ronaldo Nazário ku dhex martay jasiirada loo dalxiiska tago ee Ibiza oo ka tirsan dalka Spain.

Peter Crouch oo isaga laftiisu waqti ahaa xidigaha horyaalka Premier League ugu fiican ayaa shaaca ka qaaday in Ronaldo ay isku arkeen jasiirada Ibiza wuxuuna sheegay in uu arkay Ronaldo oo xeebta jasiiradan jooga isla markaana khamri badan cabaya isla markaana ay caloosha u saaran yahay haashtari ga sigaarka.

Peter Crouch ayaa sheegay in markii uu isku dayay in uu la kulmo Ronaldo uu filayay in uu garan doono balse waxa uu sheegay in gabi ahaanba uu Ronaldo garan waayay sababtoo ah waxa uu xusay in markasta oo uu dhameeyo dhalo khamri ah in uu mid kale furanayay.

Peter Crouch ayaa yidhi: “Xaqiiqdii Ronaldo waqti ayaan la kulmay. Waxaan fasax ugu joogay Ibiza, waxaan isaga ku arkay xeebta. Waxa uu ku mashquulsanaa in uu la soo baxo dhalooyin khamri ah, waxaana caloosha u saarnaa haashtariga sigaarka”😅

Crouch ayaa sharaxaadiisa sii raaciyay: “Markasta oo uu dhameeyo cabitaanka dhalada khamriga, gabadha modelka ahayd ee la joogtay ayaa mid kale u keenaysay. Fursada in aan isaga sawir la galaa aad ayay uga fiicnayd in layska indho tiro, sidaa daraadeed waan u tagay”.

Peter Crouch ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan filayay in uu odhanayo “Oh waa Crouch!” laakiin isagu mabuu garanayn cida aan ahay. Sawirkii waa la qaaday kadib waan u tagay si aan isaga ugu cadeeyo in aan ciyaartoy hore ahaa”.
Inta badan xaflada kubbada cagta marka uu Ronaldo ka soo muuqdo waxa uu taageerayaasha kubbada cagta ku qasbaa in ay qaabkiisa iyo jidhkiisa wax ka sheegaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*