Nasiibkiisa Ayaa Xun! Saxiixa Cusub Ee Leny Yoro Oo Jamaahiirta Man United Niyadjabiyay


Taageerayaasha Manchester United ayaa niyadajab ka qaaday markii ay arkeen xidiga cusub ee kooxdooda ee Leny Yoro  oo xaaladiisu xun tahay. Sawirada iyo muuqaalka Leny Yoro ayay taageerayaashu ka ogaadeen in dhaawicii ka soo gaadhay kulankii Arsenal uu halis ahaa.

Leny Yoro oo 18 sano jir ah ayaa Manchester United dhawaan ku soo biiray laakiin markii uu saftay daqiiqado kooban kulankiisii ugu horeeyay ee Red Devils waxa uu la kulmay dhaawac uu mudo dheer garoomada uga maqnaan doono.

Muuqaalka iyo sawirada laga soo qaaday Leny Yoro ayaa muujinaya isaga oo biro kuboodaya isla markaana lugta ku xidhan qalabka dhaawaca lagu ilaaliyo.

Leny Yoro ayaa daawayn ku qaadanaya xarunta tababarka kooxdiisa ee Los Angeles balse waxaa cadaatay in aanu dhawaan soo laaban karin taas oo la micno ah in uu seegi doono bilawga xili ciyaareedka cusub ee Premier league

Leny Yoro ayaa dhaawac uga baxay kulankii sabatiidii hore ay kooxdiisa United guuldarada kala kulantay Arsenal wuxuuna dhaawacani ka soo gaadhay lugta bidix.

Si kastaba ha ahaatee, jamaahiirta Man United ayaa lagu qasbayaa in ay waqti sugi doonaan in ay arkaan Leny Yoro oo kooxdooda ka soo muuqanaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*