Barcelona Oo Xaraashaysa SIDDEED Ciyaartoy Si Ay U Samayso Lacagta Nico Williams Iyo Dani Olmo


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaraashaysa siddeed ciyaartoy oo ay ka dirayso kooxdeeda suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan oo waqtiga uu xidhmayo ay muddo bil ah ka hadhsan tahay, waxaana lacagta ay ka helaan ciyaartoydan ay ku dalbadan doonaan laba xiddig oo uu dalbaday tababare Hansi Flick.

Barcelona oo ku dhibaatoonaysa inay u hoggaansanto sharciga La Liga ee dhinaca dhaqaalaha isla markaana la tacaalaysa deyn badan oo lagu leeyahay, ayaa waxa muddooyinkii dambe ay rafaad badan ka mari jirtay sida ay u diiwaangelinayso saxeexyada ay sameeyaan.

Joan Laporta iyo Deco ayaa isla qaatay in ay ciyaartoyda aanay ku qanacsanayn bandhiggooda iska iibiyaan, kaddibna helaan lacagaha ay u baahan yihiin si ay dhibaato la’aan ugula soo wareegaan labada xiddig ee reer Spain ee Nico Williams iyo Dani Olmo oo ahaa halyeeyadii sababta u ahaa in xulka Spain uu ku guuleysto tartanka Euro 2024.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Barcelona ayaa waxa ay go’aamisay inay iska iibiso siddeed ciyaartoy oo ay ugu horreeyaan Frenkie de Jong iyo Ronald Araujo oo ay rumaysan yihiin in ay lacago badan ku helayaan, sidoo kalena Raphinha ayaa lagu daray liiska, iyadoo booskiisa loo carbin doono Vitor Roque.

Difaacyahannada dhexe ee Clement Lenglet iyo Mikayil Faye ayaa iyaguna ku jira liiska, halka Ferran Torres oo sannad iyo badh ka horay Barcelona kaga soo iibsatay Man City lacag dhan £48.4 milyan oo Gini ay quus ka taagan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa waxa ay u baahan tahay lacag ka badan £90 milyan oo Gini, si ay u bixiyaan lacagta lagu burburin karayo qandaraasyada Dani Olmo iyo Nico Williams ay kula jiraan kooxaha RB Leipzig iyo Athletic Bilbao.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*