DEG-DEG: Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Heshiiska Riccardo Calafiori Iyo Lambarka Uu Xidhan Doono


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa difaaca Talyaaniga ee Riccardo Calafiori oo ay £42 milyan oo Gini kaga soo iibsatay kooxda horyaalka Talyaaniga ee Bologna.

Difaacan boosaska badan ka ciyaara ayaa Arsenal u saxeexay heshiis shan sannadood ah, waxaana goordhoweyd saxaafadda loogu soo bandhigay waddanka Maraykanka oo uu kula midoobayo ciyaartoyda kooxdiisa cusub ee halkaas tababarka ku qaadanaysa, sidoo kalena kulmaada saaxiibtinimo ku dheelaysa.

22 jirkan oo bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaarihii qaramada Yurub ee Euro 2024, ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkii hore kusoo qaatay Bologna oo uu ka caawiyey inay kaalinta shanaad kaga dhamaysato horyaalka Talyaaniga ee Serie A, taas oo keentay inay kasoo qayb-galaan tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe.

Riccardo Calafiori ayaa Arsenal u xidhan doona No.33, waxaana amaan kusoo dhoweeyey tababare Mikel Arteta oo markii uu soo bandhigay saxaafadda la hadlay, waxaanu yidhi: “Waxa aanu Arsenal kusoo dhoweynaynaa Riccardo iyo qoyskiisa. Waa saxeex wanaagsan oo xoojin doona difaacayaga.

“Riccardo waa qof shaqsiyad iyo dabeecad wanaagsan, waxaana u weheliya xirfad naga dhigaysa koox ka xooggan intii hore, waxaanu nagu riixi doonaa in aanu ku guuleysano koobab waaweyn.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*