Saxeexa Cusub Ee Chelsea Oo Diiday Inuu U Ciyaaro Xulka England Iyo Waddanka Afrikaanka Ah Ee Uu U Dheeli Doono


Saxeexa cusub ee Chelsea ee Tosin Adarabioyo ayaa ka fiirsanaya in uu joojiyo u ciyaarista xulka qaranka England, waxaana uu doorbidayaa inuu si rasmi ah ciyaaraha caalamiga ah ugu metelo waddan Afrikaan ah.

Tosin Adarabioyo oo ay Chelsea si xor ah ugala soo wareegtay Fulham, ayaa waxa dhowaan la hadlay halyeygii Blues iyo xulka Nigeria ee John Obi Mikel oo u muuqanayey in uu ku riixayo inuu u dheelo xulka Nigeria, sidaas daraadeedna Tosin Adarabioyo ayaa waxa uu doorbidayaa inuu u ciyaaro xulka qaranka waddanka uu asal ahaan kasoo jeedo ee Nigeria.

Adarabioyo oo Chelsea u buuxin doona booskii uu banneeyey Thiago Silva oo uga wareegay Fluminense, ayaa waxa uu hore waqti ugu soo qaatay Manchester City ka hor intii aanu u wareegin Fulham oo uu hadda u dhaafay Stamford Bridge.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegaysa, in xidhiidhka kubadda cagta Nigeria uu ku riixayo Tosin Adarabioyo in uu u dheelo xulka uu asal ahaanta kasoo jeedo, inkasta oo uu laba jeer oo hore iska diiday inuu sidaa sameeyo.

John Obi Mikel ayaa hadalka uu dhowaanta sheegay waxa uu ku yidhi: “Ciyaartoydu waxay jecel yihiin inay u dheelaan England iyo France, wax kasta oo ay ku qaadanayso, laakiin marka ay ciyaartoydu gaadhaan da’da 25 ama 26, looguma yeedho xulka England, markaas ayay Nigeria u yeedhataa.”

Si kastaba ha ahaatee, hadalka John Obi Mikel ayaa waxa loo turjuntay in uu ka dhigan yahay in xulka England aanay jeclayn ciyaartoyda midabkoodu madowga yahay, marka loo eego kuwa caddaanka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*