Alexander-Arnold Oo Saxeexay Shaadhka Real Madrid & Walaaca Kooxdiisa Liverpool


Difaaca kooxda kubadda cagta Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa la arkay isaga oo taageereyaal u saxeexaya garanka kooxda kubadda cagta Real Madrid, iyadoo waliba si aad ah la iskula dhax-marayo in laacibkani uu tegi doono Real Madrid xilli-ciyaareedka dambe.

Trent Alexander-Arnold oo waqtigan ku maqan fasax maadaama waddankiisa England uu u ciyaaray finalkii Euro 2024, ayaa waxa qandaraaskiisa Liverpool ka hadhsan 12 bilood oo kaliya, waxaana illaa hadda uu ka warwareegayaa inuu saxeexo heshiis cusub.

Warbaahinta Spain ayaa tabinaysa in Real Madrid ay rajaynayso inay si xor ah ula soo wareegi doonaan Alexander-Arnold xagaaga dambe, waxaana cadaalamad xoojinaysa rajadooda ku dhaqaaqay laacibkan oo taageereyaal Real Madrid ah u saxeexay garamada kooxdaas.

Alexander-Arnold ayaa waxa ay hadda waddanka Maraykanka ku wada sugan yihiin xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham oo ay yihiin saaxiibbo dhow, waxaana lagu arkay iyagoo wada socda dariiqyada Los Angels.

25 jirkan oo cimrigiisa oo dhan kusoo qaatay Anfield oo uu kulliyadda Liverpool kasoo baxay, ayaa tallaabada uu hadda qaaday waxa ay xoojinaysaa doodda ah inay suurtogal tahay inuu soo afjari doono waayihiisa Anfield, waxaana walaacsan jamaahiirta Liverpool oo u arkayey kabtankooda mustaqbalka.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa waxa ay dhinaceeda rajaynaysaa in ay xagaaga dambe si xor ah ula soo wareegi doonto Alexander-Arnold iyo Alphonso Davies oo isagana qandaraaskiisa Bayern Munich ay ka hadhsan yihiin 12 bilood oo kaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*