SAADAAL: Khabiir Saadaaliyey Kooxda Ku Guuleysanaysa Horyaalka Premier League Xilli-ciyaareedka 2024-25


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa uu bilaabmi doonaa badhtamaha bisha August ee foodda innagu soo haysa, waxaana markii shanaad oo xidhiidh ah inay ku guuleysato u dagaallami doonta Manchester City, hase yeeshee Arsenal oo laba sannadood oo isku xiga kaalinta labaad ku dhamaysatay ayaa iyaduna is-xoojinaysa xagaagan, halka Liverpool ay gashay xaalad kala guur ah oo uu ka tegay tababare Jurgen Klopp.

Waxa kale oo horumar samaynaysa Manchester United oo saxeexyo cusub isku xoojisay, halka Chelsea ay magacowday tababare cusub, sidoo kalena samaysay saxeexyo kale.

Khabiirka ciyaaraha Tony Cascarino  ayaa saadaaliyey kooxda horyaalka Premier League ku guuleysan doonta xilli-ciyaareedkan, waxaana uu la saftay Arsenal oo uu sheegay in doorkan ay noqonayso naadiga aanay cidina ku qabsan karaynin kaddib laba sannadood oo ay gashay kaalinta labaad.

Arsenal ayaa laba xilli-ciyaareed oo xidhiidh ah waxa ay si adag ugu xafiiltantay horyaalka Premier League oo waqti dambe ay labada jeerba dhaaftay Man City, waxaanay beddeleen kooxdii Jurgen Klopp ee Liverpool oo sannadihii ugu dambeeyey ahayd kooxda Man City kula loollanta horyaalka.

Tony Cascarino oo u ciyaari jiray Chelsea, laakiin hadda ka mid ah khubarada ciyaaraha falanqaysa, ayaa waxa uu saadaaliyey in xilli-ciyaareedka soo socda ay Arsenal ku guuleysan doonto horyaalka, waxaana uu yidhi: “Sannadihii ugu dambeeyey waxa aan saadaalinayey in Man City ay ku guuleysanayso horyaalka, laakiin ma aha qamar-sanaaci. Hadda sannadkii ugu horreeyey ayaan kasoo horjeedsanayaa, waxaanay ila tahay in Arsenal ay horyaalka ku guuleysan doonto.

“Si dhab ah ayaan u rumaysanahay in sannadkan ay Arsenal ku guuleysan doonto.”

Arsenal ayaa waxa ay horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedka 2024-25 ay ku furan doontaa garoonkeeda Emirates Stadium oo ay Agust 17 ku martigelin doonto Wolves.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*