Arne Slot Dalabyadiisii, Wixii Ka Yaabiyey Mohamed Salah & SADDEXDII Dhacdo Ee La Guntay – Xogta Tababarka Liverpool Iskugu Diyaarinayso Kulamada Saaxiibtinimo


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa maalintii Axaddii tababarkeeda ka bilowday Philadelp0hia oo waddanka Maraykanka ah, waxaana taageereyaasha farxad geliyey sidii uu tababare Arne Slot u hagayey ciyaartoydiisa iyadoo daawashaduna u frnayd.

Shaki kuma jiro in uu tababaraha cusub ee Liverpool leeyahay falsafad ciyaareed oo uu hore guulo ugu soo gaadhay waqtigiisii Feyenoord, hase yeeshee waxa loo dheg taagayaa oo indhaha lagu hayaa sida uu u maamuli doono kooxda uu ka tegay Jurgen Klopp ee Liverpool.

Tababarka oo ka dhacay garoonka Lincoln Financial Field oo ah garoonka kooxda Philadelphia Eagles ee kubadda cagta Maraykanka (NFL), ayaa waxa uu ku bilowday jimicsi, dhiirrigelin uu Arne Slot siinayey ciyaartoydiisa iyo markii dambe oo uu kubbad dheelsiiyey.

Slot ayaa la maqlayey isaga oo ku qaylinaya ciyaartoydiisa oo ku leh ‘dulqaata, sabra’ iyo ‘kubbad-haynta ku dila’ iyadoo ciyaartoyduna samaynayeen farsamooyin kala duwan, waxaana uu kooxda u qaybiyey dhawr isaga oo soo yareeyey garoonka.

Mohamed Salah ayaa dhaliyey goolal qurux badan intii ay tababarrada samaynayeen, hase yeeshee waxa door fiican qaadanayey oo isaguna ciyaartoyda hagayey Johnny Heitinga oo ah tababare ku-xigeenka Liverpool, waxaana uu ciyaartoyda qaarkood ku riixayey inay sameeyaan baas-bixin fiican.

Johnny Heitinga ayaa markii dambe waxa uu si gaar ah ula shaqaynayey Stefan Bajcetic oo ay muuqato in tababare Slot uu doonayo inuu doorweyn ku yeesho kooxda xilli-ciyaareedkan, maadaama da’yarka reer Spain uu inta badan dhaawac ku maqnaa xilli-ciyaareedkii tegay.

Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa sheegtay, in tababare Arne Slot uu isku dayayo inuu beddelo qaab-ciyaareedka Liverpool, waxaana uu inta badan doorbidayaa in ay kooxdiisu kubadda haysato, sidoo kalena ay ka faa’iidaysato fursadaha ay hesho.

Curtis Jones oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii saaxiibtinimo ee Real Betis ay 1-0 kaga badiyeen habeen hore ayaa isaguna dib usoo kabanayey oo meel gaar ah lagu siinayey tababar fudud, halka Trey Nyoni oo ahaa mucjisada ciyaartaas ee soo jiidatay indhuhu aanu joogin tababarkii u dambeeyey, sababtana waxa lagu sheegay inuu dhaawac fudud soo gaadhay.

Saacadaha soo socda, Ryan Gravenberch iyo Ibrahima Konate ayaa u duuli doona waddanka Maraykanka oo la midoobi doona ciyaartoyda kooxdooda iyaga oo kasoo laabtay fasaxa ciyaaraha caalamiga ah maadaama ay dalalkooda Holland iyo France u dheeleen ciyaarihii Euro 2024.

Ciyaarta saaxiibtinimo ee Liverpool iyo Arsenal ee Arbacada ayaa la filayaa in Gravenberch iyo Konate aanu midkoodna qayb ka noqon doonin, laakiin waxa ay daqiiqado ka heli doonaan ciyaarta Manchester United ee Sabtida soo socota.

Virgil van Dijk, Trent Alexander-Arnold, Darwin Nunez, Luis Diaz iyo Alisson ayaa dhamaantood aan tegi doonin waddanka Maraykanka, waxaanay tababarka ku qaadan doonaan garoonka Kirkby ee magaalada Liverpool waxaanay kooxdooda midoobi doonaan marka ay kasoo laabato waddanka Maraykanka toddobaadka dambe dhamaadkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*