Mikel Arteta Oo Sharraxay Sababta Uu U Beddelay Booska Uu Ka Ciyaaro Jurrien Timber


Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa la dhacay bandhig ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu sameeyey difaaca reer Netherlands ee Jurrien Timber kulankii saaxiibtinimo ee habeen hore ay Manchester United ku garaaceen 2-1.

Jurrien Timber oo xagaagii hore ay Arsenal kasoo iibsatay Ajax ayaa dhaawac ku maqnaa xilli-ciyaareedkaii hore oo dhan isaga oo jilibka ka jabay kulankii koowaad ee horyaalka lagu furay oo ay la dheeleen Nottingham Forest.

Timber ayaa kulankiisii koowaad waxa uu Arsenal ugu soo bilowday difaaca  bidix, laakiin waxa uu ka dheelay boos walba oo difaaca ah isla ciyaartaas, isaga oo laf dhuun-gashay ku noqday weeraryahannada Manchester United.

Tababare Mikel Arteta ayaa qaybta dambe waxa uu Jurrien Timber ka dheelsiiyey difaaca dhexe, waxaana mar la weydiiyey sababta uu yidhi: “Timber wali wuu soo kabanayaa oo muddo dheer ayuu dhaawac ku maqnaa, waxaanan rumaysanahay in uu dib u heli doono qaabkiisa.

“Waxa aanu weydiisanay inuu boosas badan ka ciyaaro, run ahaantiina si cajiib ah ayuu uga dheelay. Bal eeg cadaadiska uu samaynayey, hoggaamintiisa, sida uu kubadda u hujuumayey. Run ahaantii waxa uu noo yahay saxeex cusub oo kale, iyo ciyaartoy weyn oo kusoo biiray kooxda.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*