Iska Illow Valverde, Bellinham, Modric & Tchouameni: Real Madrid Oo Go’aamisay Xiddiga Rasmi Ahaan U Yeelanaya Booskii Joogtada Ahaa Ee Toni Kroos


Wariyaha caanka ah ee Diego Otero ayaa ogaagay go’aanka tababare Carlo Ancelotti ee xiddiga uu u doortay inuu si rasmi ah ula wareego booskii uu banneeyey Toni Kroos oo ciyaaraha ka fadhiistay, waxaana uu si cad ugu wargeliyey xiddig kooxdiisa ah inuu noqonayo laacibka sida joogtada ah uga dheeli doona halkii uu ka baxay Kroos.

Real Madrid ayaa haysata xiddigo da’yar ah oo khadka dhexe ah iyo ruug-caddaaga heshiiska cusub ee sannadka ah saxeexay ee Luka Modric oo isaga la filayo in uu inta badan beddel ku iman doono.

Jude Bellingham iyo Fede Valverde ayaa boosaskoodu aanay gorgortan geli doonin, waxaanay ku xigi doonaan saddexda weeraryahan ee Vincius Junior, Kylian Mbappe iyo Rodrygo Goes, balse waxa ay dood ka taagan tahay laacibka saddexaad ee soo raaci doona Valverde iyo Bellingham, inkasta oo booska garabka midig lagu riixi karayo Valverde oo weerarku uu ku koobnaanayo Mbappe iyo Vinicius Jr.

Diego Otero oo si dhow ula socday tababarka ciyaartoyda Real Madrid ee waddanka Maraykanka, ayaa waxa uu sheegay in Ancelotti uu si gaar ah u carbinayo Eduardo Camavinga oo uu u sameeyey tababare gaar ah oo jidh-dhiska ka caawiya, sidoo kalen uu xeelado farsamo ku ladhayo, sababtoo ah waxa uu u doortay inuu noqdo ciyaartoyga buuxinaya booskii Toni Kroos.

Arrintan ayaa waxa ay dood gelin doontaa booska uu ka dheeli doono Aurelien Tchouameni, kaas oo imaatinkiisu uu su’aal saari doono Rodrygo Goes.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*