Manchester United Oo Dhamaystiraysa Saxeexii SADDEXAAD & Booska Uu Ka Dheelo


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa qarka u saaran dhamaystirka saxeexii saddexaad ee ay xagaagan samaynayso, iyadoo hore ay Old Trafford usoo gaadheen difaaca reer France ee Leny Yoro iyo weeraryahanka reer Netherlands ee Joshua Zirkzee oo dheelay kulankoodii koowaad.

Tababare Erik ten Hag ayaa sii wada inuu kooxdiisa ku xoojiyo saxeexyo cusub, si ay xilli-ciyaareedkan ugu tartami karaan horyaalka Premier League iyo tartamada kale, waxaana ay kooxdiisu heshiis shaqsi ah la gaadhay difaaca reer Morocco ee Noussair Mazraoui oo u dheela Bayern Munich.

Red Devils ayaa hadda bilaabaysa wada-hadallo dhinaca qiimaha ah oo ay la gelayso Bayern Munich, si Noussair Mazraoui uu u noqdo difaaca cusub ee ay ku aaminayaan booska difaaca midig oo la filayo inuu ka bixi doono Aaron Wan-Bissaka oo lala xidhiidhinayo West Ham.

Noussair Mazraoui ayaa 55 ciyaarood oo kaliya u saftay Bayern Munich, halka xulka qarankiisa Morocco uu u ciyaaray 28 jeer, waxaana uu saluugsan yahay booska laga siiyo Bavaria oo aan joogto ahayn.

Wargeyska Foot Mercato ayaa ku warramaya, in Manchester United ay filayso in heshiiska Noussair Mazraoui  uu kusoo dhamaan doono £15 milyan oo Gini oo kaash ah iyo £5 milyan oo kale oo dheeraad ah oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa iyo guulaha uu la gaadho Red Devils.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*