Waa Maxay Sababta Ay Taageereyaasha Chelsea Uga Cadhoodeen Muuqaalkan?


Halyeeyadii Chelsea ee Jorginho iyo Mason Mount ayaa ku midoobay ciyaartii saaxiibtinimo ee Arsenal iyo Manchester United ee ka dhacday waddanka Maraykanka, iyaga oo kala metelaya labada kooxood, waxaase markii ay ciyaartu dhamaatay ay garoonka dhaxdeeda ku sameeyeen salaan sababtay in taageereyaasha Chelsea ay falcelin degdeg ah ka sameeyaan.

Jorginho iyo Mason Mount oo ay jamaahiirta Chelsea jecel yihiin, ayaa markii ay garoonka iskugu soo hadheen waxa ay isku salaameen si kalgacal iyo xasuuqo leh, iyadoo Jorginho uu kooxdiisa ula dabbaal-degay guul 2-1 ah oo ay garoonka SoFi Stadium ee California kaga gaadheen Manchester United.

Xiddigahan khadka dhexe ayaa halka ay iyagu farxad iyo kaftan wadaagayeen, waxa ay jamaahiirta kooxdoodii hore ee Chelsea la murugaysnaayeen xasuuq 4-1 ahaa oo ay kooxdoodu kala kulantay Celtic oo cashar u dhigtay.

Jamaahiirta Chelsea ayaa waxa ay dareenkooda u jeediyeen dhinaca muuqaalka Jorginho iyo Mount oo ay ku xasuusanayaan guushoodii ugu dambaysay oo ahayd Champions League iyo FIFA Club World Cup oo ay u qaadeen ka hor intii aanay ka tegin.

Mid ka mid ah taageereyaasha Chelsea ayaa qoraal uu ku baaiyey bartiisa Twitter-ka (X) waxa uu ku yidhi: “Waxa aan dareemayaa murugo marka aan daawado iyaga, sababo jira awgood.”

Taageere kale ayaa isaguna yidhi: “Labadooduba waxay u muuqdaan inay walaalo faraxsan.”

Mid saddexaad ayaa sii raaciyey: “Miyaad daawateen ciyaartii Chelsea ee goor hore?”

Taageere afraad ayaa isaguna yidhi: “Waanu tebnay Mount”

Si kastaba ha ahaatee, Mason Mount ayaa ka tegay Stamford Bridge sannadkii 2023, kaddib 18 sannadood oo uu joogay Chelsea oo uu kusoo biiray isaga oo carruur ah, waxaana 195 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 33 gool iyo 35 kale oo uu caawiye ka noqday. Halka Jorginho uu isaguna ka tegay January 2023 isaga oo soo afjaray shan sannadood oo uu joogay Stamford Bridge oo 213 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 29 gool iyo siddeed caawimood, waxaana uu ku biiray kooxda ay Blues xafiiltamaan ee Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*