Arsenal Oo Hoggaanka U Qabatay Tartanka Weeraryahan Dilaa Ah, Nico Williams Oo Go’aan Ka Gaadhay Barcelona, Man United Oo Difaac Kale Doonatay Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Garabka weerarka xulka qaranka Spain ee Nico Williams ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa iyadoo ay si weyn u doonayaan kooxaha Barcelona iyo PSG. Nico Williams ayaa Athletic Bilbao kula jira heshiis soconaya illaa sannadka 2027. (Marca)

Manchester United ayaa doonaysa difaaca midig ee reer France ee Nordi Mukiele oo 26 jir ah iyo khadka dhexe eer eer Uruguay ee Manuel Ugarte iyo waliba difaaca dhexe reer Slovakia ee Milan Skriniar oo saddexduba u ciyaara PSG, kuwaas oo ay doonaysa in uu midkood qayb ka noqdo heshiiska Jadon Sancho. (Express)

West Ham waxay wada-xaajood la bilowday difaaca midig ee Manchester United ee Aaron Wan-Bissaka, iyadoo 26 jirkan lagu qiimeeyey £15 milyan oo Gini. (Sky Sports)

Manchester United waxay heshiis la gaadhay difaaca midig ee Bayern Munich ee Naoussair Mazraoui oo isaguna ku wargeliyey naadigiisa in uu doonayo inuu tago Old Trafford. Laacibkan reer Morocco ayaa rumaysan in uu fursad fiican ka helayo Man United marka loo eego xaaladdiisa Munich. (Guardian)

Chelsea waxay la xidhiidhay weeraryahanka Juventus iyo xulka Talyaaniga ee Federico Chiesa oo ay sidoo kale doonayso Tottenham. (Team Talk)

Goolhayihii hore ee Manchester United ee David de Gea oo koox la’aan ahaa tan iyo xilli-ciyaareedkii hore, ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Talyaaniga ee Genoa. 23 jirkan ayaan garoomada lagu arag tan iyo markii uu ka tegay Manchester United July 2023. (Football Italia)

Aston Villa ayaa dalab amaah ah ka gudbisay 28 jirka khadka dhexe ee reer England ee Kalvin Phillips. Tababare Unai Emery ayaa doonaya inuu laacibkan ku xoojiyo safkiisa. (Football Insider)

Barcelona lama filayo inay la saxeexato difaaca midig ee reer Portugal ee Joao Cancelo oo 30 jir ah, sababtoo ah Manchester City ayaa dalbanaysa £25 milyan oo Gini oo aanay diyaar u ahayn Barcelona inay waqtigan bixiso. (Mundo Deportivo)

AC Milan waxay qarka u saaran tahay inay heshiis la gasho difaaca midig ee reer Brazil ee Emerson Royal, iyadoo 25 jirkan uu ku wargeliyey naadigiisa Tottenham in uu doonayo inuu ka tago xagaagan. (Fabrizio Romano)

Arsenal ayaa hoggaaminaysa tartanka loogu jiro weeraryahanka reer Sweden ee Viktor Gvokers oo u dheela Sporting Lisbon, kaddib markii ay Liverpool go’aansatay inay ka hadho tartanka loogu jiro 26 jirkan. (Team Talk)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*