DEG-DEG: Jadon Sancho Oo Heshiis La Gaadhay Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah & Mustaqbalkiisii Man United Oo Waji Kale Yeeshay


Xiddiga reer England ee Jadon Sancho ayaa heshiis la gaadhay koox weyn oo reer Yurub ah, waxaanu doonayaa inuu soo gabogabeeyo waayihiisa Manchester United, inkasta oo uu dhowaan dib ugu soo laabtay Old Trafford oo ay tababare Erik ten Hag ka heshiiyeen khilaaf sababay inuu bishii January amaah ugaga wareego Borussia Dortmund.

Sancho oo ay d’adiisu tahay 24 jir ayaa in badan lala xidhiidhinayey inuu ka tegi doono Man Untied xagaagan, balse Ten Hag ayaa sheegay inay meel iska dhigeen khilaafkii u dhexeeyey oo ay diyaar u yihiin inay wada shaqeeyaan.

Laacibkan oo sida muuqata bixiyey raalligelin uu hore u diiddanaa oo uu siiyey Erik ten Hag, ayaa waxa la sheegayaa in aanu ku niyad-samayn la shaqaynta tababaraha reer Netherlands, waxaanu heshiis shaqsi ah la gaadhay kooxda horyaalka waddanka Faransiiska ee PSG.

Laacibkan oo ay daoonayeen kooxo badan oo reer Yurub ah, ayaa sida uu wargeyska Frech Football sheegay waxa uu heshiis shaqsi ah la gaadhay Paris Saint-Germain oo iyaduna hadda u xidh-xidhanaysa inay la xaajooto Manchester United, si uu ugu buuxiyo booskii uu banneeyey Kylian Mbappe oo si xor ah ugu wareegay Real Madrid.

Manchester United ayaa la rumaysan yahay in ay ogolaanayso inay £50.7 milyan oo Gini ku fasaxdo Jadon Sancho oo sannadkii 2021 ay £73 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Borussia Dortmund.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*