SUUQA KALA IIBSIGA: Liiska Ciyaartoyda Ugu Muhiimsan Ee Ay Ilaa Hadda La Soo Wareegeen Kooxaha Yurub Ugu Waa Wayni


Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furan waxayna kooxaha waa wayn ee Yurub u dagaalamayaan in ay sameeyaan saxiixyo muhiim u noqon kara xili ciyaareedka kooxahooda. Waxaa jira kooxo haddaba si suuqa si wayn uga dhex muuqda iyo kuwo aan wali helin ciyaartoydii ay diirada saarayeen.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa saxiixyadii ugu magaca waynaa ee ay ilaa hadda xagaagan sameeyeen kooxaha Yurub ugu waa wayni iyo waliba qiimayaashii lagula soo wareegay.

Ilaa hadda waxaa saamaynta ugu badan ee suuqa xagaagan haysta Kylian Mbappe oo Real Madrid ugu soo biiray bayca xorta ah kadib markii uu soo dhamaystay heshiiskii uu PSG kula joogay laakiin waxaa jira xidigo lacago badan ugu soo biiray kooxaha horyaalada waa wayn ee Yurub.

Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda ugu magaca wayn ee ay kooxaha waa wayn ee Yurub la soo saxiixdeen.

FIIRO GAAR AH: Magaca kooxda uu ka soo wareegay waa magaca hor qoran halka magaca kooxda labaad ay tahay kooxda uu ciyaartoygu ku soo biiray.

1-Kylian Mbappe (PSG – Real Madrid, free)

2-Riccardo Calafiori (Bologna – Arsenal, £42m)

3-Amadou Onana (Everton -Aston Villa, £50m)

4-Leny Yoro (Lille – Manchester United, £52m)

5-Mason Greenwood (Manchester United – Marseille, €30m)

6-Savinho (Troyes – Manchester City, £30m)

7-Alvaro Morata (Atletico Madrid – AC Milan, €13.5m)

8-Joshua Zirkzee (Bologna – Manchester United, £34m)

9-Joao Palhinha (Fulham – Bayern Munich, €50m)

10-Michael Olise (Crystal Palace – Bayern Munich, €60m)

11-Kiernan Dewsbury-Hall (Leicester – Chelsea, £30m)

12-Archie Gray (Leeds – Tottenham, £30m)

13-Douglas Luiz (Aston Villa -Juventus, €28m + Enzo Barrenechea & Samuel Iling-Junior)

14-Ian Maatsen (Chelsea – Aston Villa, £37.5m)

15-Estevao Willian (Palmeiras – Chelsea, £29m)

16-Tosin Adarabioyo (Fulham – Chelsea, free)

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*