Man United Oo Ka Ka Walaacsan Labadii Dhaawac Ee Ka Soo Gaadhay Guuldaradii Arsenal.


Manchester United ayaa laba xidig ku wayday guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Arsenal kulan saaxiibtinimo oo xili danbe oo xalay ahayd ka qabsoomay dalka Maraykanka gaar ahaan Los Angeles.

Kooxda Red Develis ayaa ka walaacsan dhaawaca weerar yahanka Rasmus Hojlund iyo saxiixa cusub ee Leny Yoro kuwaas oo labadaba dhaawac looga saaray kulankii Arsenal.

Arsenal ayaa guuldaro 2-1 ah u xambaarisay kooxda ay Premier League ku xifiltamaan ee Man United laakiin guuldaradan waxaa kaga xanuun badan walaaca dhaawacyada Hojlund iyo Yoro.

Rasmus Hojlund ayaa goolka furitaanka Man United u dhaliyay daqiiqadii 10 aad ee kulankii Gunners kadib markii uu caawin ka helay Marcus Rashford laakiin dhaawaca soo gaadhay Hojlund ayaa walaac wayn ku abuuraya Erik ten Hag maadaama oo uu ahaa mid dhaawacyo waqti badan ugu maqnaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay.

Laakiin xaalada walaaca United kuma koobna intaas oo kaliya balse waxaa isla kulankan ku dhaawacmay saxiixa cusub ee Leny Yoro oo toban maalmood oo kaliya ka hor United kaga soo biiray kooxda Lille ee dalka France.

18 sano jirkan dhulka ku dhacay wuxuuna u baahday daawayn waqti dheer ah ka hor intii aanu dalban in garoonka laga saaro taas oo walaac wayn ku abuuraysa United.

Markii ay soo dhamaaday ciyaartii United iyo Arsenal waxa uu Ten Hag yidhi: “Waxaa qasab nagu ah in aanu sugno 24 saacadood waxaanan rajaynayaa in kadib aan wax badan ogaan doono”

“Aad ayaanu taxadar u samaynay gaar ahaan Leny, waa niyadjab in uu ciyaarta ka soo baxay laakiin aan niyadsamaano oo aan eegno natiijada soo baxda” ayuu Ten Hag hadalkiisa raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*