Xiddiga reer Brazil ee Antony ayaa dib ugu laabanaya England si uu u waajaho booliska oo kusoo eedeeyey in uu dhibaateeyey saddex dumar ah oo kasoo gudbiyey dacwado, waxaana ku jirta saaxiibaddiisii hore oo soo bandhigtay caddaymo ay sheegtay in ay muujinayaan tacaddiyadii uu laacibkani u geystay.
Antony oo ay da’diisu tahay 23 jir, ayaa kasoo duulay garoonka diyaaradaha ee Sao Paulo, isaga oo kusii jeeda waddanka Spain, waxaana uu usii gudbi doonaa magaalada magaalada Manchester.
Manchester United ayaa ka walaacsan waxa ay ku dambayn doonto xaaladda laacibkan oo ay hore uga saartay liiska ciyaartoydeeda inta uu socdo kiiska la xidhiidha haweenka uu tacaddiyada u geystay ee hadda soo eedeeyey.
Waxa ku jirta haweenay ay hore isku jeclaayeen oo lagu magacaabo Gabriella Cavallin oo sheegtay in uu ku dhibaateeyey hotel ku yaalla magaalada Manchester markii ay taariikhdu ahayd January 15 ee sannadkan, inkasta oo uu Antony beeniyey jiritaanka warkaas.
Laacibkan oo ku doodaya in aanu wax dembi ah lahayn ayaa la ballansan booliska UK oo waraysi la yeelan doona maalmaha soo socda, kaddibna waxay hubin doonaan inta ay le’eg yihiin caddaymaha dumarkan eedaynaya iyo suurtogalnimada in uu ku dhici karayo falalka loo haysto.
Be the first to comment