Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyey Liiska Ciyaartoydiisa Kulanka Caawa Ee Leicester City – Alexander-Arnold & Laba Kale Oo Laga Saaray


Trent Alexander-Arnold ayaa laga reebay liiska ciyaartoyda Liverpool ee ciyaarta wareegga saddexaad ee Carabao Cup ee Lericester City, inkasta oo tababare ku-xigeenka kooxdu uu shalay sheegay in uu taam yahay oo uu tababarka si fiican u qaadanayay tan iyo Isniintii.

Kabtan kuxigeenka oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee kooxdiisa ku maqnaa dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Aston Villa ee horraantii bishan September, isla markaana dibedda ka joogay ciyaarihii xulka qaranka England ee isreeb-reebka Euro 2024 iyo Wolves, LASK iyo West Ham, ayaa la filayay in uu maanta ka mid noqdo kooxda.

Pep Lijnders oo ah tababare ku-xigeenka Liverpool ayaa sheegay in Trent Alexander-Arnold uu diyaar yahay, balse waxay u muuqataa in uu kaliya qayb ka noqon doono kulanka Tottenham safarka ay ugu tegayaan.

Thiago Alcantara ayaa wali u jiifa dhaawac soo gaadhay bishii April ee horraantii sannadkan, sidoo kalena waxa maqan Conor Bradley oo dhaawac uu muddo dheer ku maqnaanayo uu kasoo gaadhay ciyaarihii saaxiibtinimo.

Liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka Leicester City

Goolhayeyaal: Alisson Becker, Caoimhin Kelleher, Adrian.

Difaacyahanno: Joe Gomez, Ibrahima Konate, Virgil van Dijk, Joel Matip, Andy Robertson, Kostas Tsimikas, Jarell Quansah.

Khadka Dhexe: Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Harvey Elliott, Curtis Jones, Stefan Bajcetic, Wataru Endo, Ryan Gravenberch.

Weerarka: Mohamed Salah, Diogo Jota, Cody Gakpo, Luis Diaz, Darwin Nunez, Ben Doak.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*