Dheemankii Jarmalka Oo Dhaawac Looga Saaray Xulka Qaranka & Ruug-caddaaga Lagu Beddelay


Tababaraha xulka qaranka Germany ayaa ku qasbanaaday inuu liiska xiddigihiisa ka saaro dheemanka khadka dhexe ee Aleksandar Pavlovic oo uu dhaawac soo gaadhay laba maalmood ka hor waqtiga uu bilaabmayo tartanka qaramada Yurub.

20 jirkan khadka dhexe ee burburiyaha ah ayaa waxa soo gaadhay dhaawac sababaya in aanu qayb ka noqon karaynin ciyaaraha Euro 2024, waxaana booskiisa lagu soo beddelay khabiirka Borussia Dortmund ee Emre Can oo horeba ay su’aal uga taagnayd sababta loogu soo dari waayey xulka.

Pavlovic oo si joogto ah ugu ciyaarayey Bayern Munich qaybta dambe ee xilli-ciyaareedkii dhamaaday, ayaa firfircooni badan iyo tamar kusoo kordhinayey safkiisa, balse nasiib-darro dhaawaca soo gaadhay ayaa ka joojiyey fursad uu iskugu muujin lahaa tartanka ugu weyn qaaradda Yurub.

Julian Nagelsmann ayaa go’aansaday in uu u yeedho Emre Can oo kooxdiisa Borussia Dortmund u saftay 38 ciyaarood xilli-ciyaareedkii tegay kana caawiyey inay timaaddo finalka Champions League oo ay Real Madrid kaga guuleysatay.

30 jirkan khabiirka ah ee hore ugu soo ciyaaray Liverpool, Juventus iyo Bayer Leverkusen ayaa boosas badan ka ciyaari kara sida difaaca midig iyo khadka dhexe, waxaana fursadda loogu yeedhay siiyey dhaawaca Pavlovic.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*