AKHRISO: Shan Arrimood Oo Manchester United Ku Qasbay In Aan Shaqada Laga Caydhinin Erik ten Hag


Dhamaan taageereyaasha Manchester United waxa ay filayeen in shaqada laga caydhin doono tababarahooda Erik ten Hag, xataa isaga ayaa iskaga dhoofay waddanka UK waxaana isaga iyo xaaskiisa Bianca ay maalmihii u dambeeyey ku sugnaayeen jasiiradda Ibiza oo ay dalxiis ku joogeen, iyadoo laga soo qaaday muuqaallo uu iska raaxaysanayo oo uu u egyahay inuu ka degay culayskii Manchester United.

Laakiin waxa mar kaliya uu Sir Jim Ratcliffe la sameeyey xidhiidh uu ugu caddeeyey in uu doonayo inuu sii joogo Old Trafford oo waliba uu saxeexo heshiis cusub, waxaanay taasi beddeshay filashadii iyo xaaladdii kooxda.

Bishii hore markii ay Crystal Palace 4-0 ku bahdishay Manchester United ayaa Erik ten Hag lagu qoray diiwaanka beddelka, balse guushii FA Cup ee ay Manchester City 2-1 kaga badiyeen finalkii Wembley ayaa dib usoo celiyey rajada Erik ten Hag.

Qiimayn ay warbaahinta Ingiriisku samaysay bil ka hor ayaa lagu sheegay, in fursadda Erik ten Hag uu kusii ahaan karayo tababaraha Manchester United ayaa lagu sheegay inay tahay 8/1, waana rajo aad u hoosaysay.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Daily Mail ayaa qoray shan arrimood oo Manchester United ku qasbay inay go’aansato in Erik ten Hag uu sii joogo kooxda oo aanay shaqada ka eryin, waxaana arrinta ugu horreysa ay tahay in uu fursad siinayo ciyaartoyda da’yarta ah, waxaana muddadii uu joogay Old Trafford uu ciyaartooyo joogto ah ka dhigay oo uu boosaskooda u damaanad qaaday Kobbie Mainoo iyo Alejandro Garnacho, sidoo kale waxa uu kalsooni siiyey Rasmus Hojlund oo aad loo dhalliilayey bilihiisii ugu horreeyey ee Old Trafford balse markii dambe la qabsaday kooxda.

Waxa sidoo kale uu Erik ten Hag caawiyey Willy Kambwala oo uu dhawr jeer safay, halka Ethan Wheatley, Harry Amass, Toby Collyer, Louis Jackson iyo Habeeb Ogunneye ay iyaguna kasoo muuqdeen kooxda koowaad.

Arrinta labaad ee Sir Jim Ratcliffe iyo Manchester United ay u beddeleen go’aankoodii hore ee ahaa in shaqada laga caydhiyo Ten Hag ayaa waxa ay tahay, in ay dib u eegeen tirada ciyaartoydii ka dhaawacantay kooxda oo laga diiwaangeliyey 60 kiis oo dhaawacyo ah, waxaanay arrintan ugu cudur-daareen Erik ten Hag oo ay isla qaateen in dhaawacyadu ay burburiyeen qorshihiisii ciyaareed.

Qodobka saddexaad ee Erik ten Hag uu kusii negaaday ayaa ahaa in saxeexyadii uu sameeyey sida Andre Onana iyo Rasmus Hojlund ay xagga dambe ka fiicnaadeen iyadoo markii hore la saluugsanaa, sidoo kalena waxa ay maamulka Man United ka mooseen saluugga Mason Mount oo Ingiriisnimadiisu ay qarisay fashilkiisii xilli-ciyaareedka tegay ee ay dhaawacyadu ragaadiyeen.

Labada qodob ee kale ayaa waxa ay yihiin in Erik ten Hag uu ogolaaday in kooxda dibu-qaabayn lagu sameeyo oo talada ay la wadaagaan Omar Berrada iyo Jason Wilcox oo aanu kalidii gaadhin go’aamada, halka arrinta u dambaysa ay tahay in kooxdu ay weyday tababare ay ku qancaan oo uu iska diiday Thomas Tuchel oo ahaa macallinkii ay sida weyn u doonayeen, sidoo kalena Kieran McKenna uu ku negaaday naadigiisii Ipswich.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*