QIIMAYN: 50ka Ciyaartoy Ee Da’yarta Ah Ee Ugu Wanaagsan Kubadda Cagta Waqtigan Oo La Shaaciyey


Qiimayn cusub oo la sameeyey ayaa lagu soo bandhigay 50ka ciyaartoy ee da’yarta ah ee ugu wanaagsan adduunyada waqtigan, waxaana tirada ugu badan ku yeeshay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo fursado badan ay ka helaan ciyaartoyda da’yarta ah.

Waxa liiska ku jira ciyaartooyo da’yar ah oo bandhig heersare ah ka sameeyey garoomada xilli-ciyaareedkii hore, haddana kasoo muuqanaya xulalka qaramadooda.

Horyaalka waddanka Ingiriiska oo ay kooxihiisu si aad ah usoo jiidanayaan ciyaartoyda da’yarta ah ayaa waxa liiskan ugu jira ciyaartooyo u dheela kooxo waaweyn, balse dhashay wixii ka dambeeyey sannadkii 2005, taas oo ka dhigan in da’doodu ay ka yar tahay 19 jirro dhamaan xiddigaha halkan ku xusan.

Kobbie Mainoo oo ay dadka qaarkood ku tilmaamaan ‘quruxda kubadda cagta’ ayaa hormood u ah liiskan, iyadoo laacibkan uu hadda ka mid yahay ciyaartoyda xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka EURO 2024.

Dheremanka Manchester City ay la saxeexatay ee Claudio Echeverri ayaa isaguna ku jira liiska oo waliba fadhiya kaalinta 12aad, waxaana uu laacibkani iman doonaa Etihad Stadium bisha January isaga oo hadda amaah ugu maqan naadigiisii hore ee River Plate.

Chido Obi-Martin oo ay Arsenal qarka u saaran tahay inay lumiso oo ay Bayern Munich ka doonayso ayaa kaalinta 38aad kaga xusay liiska, hase yeshee kaalinta koowaad ayaa waxa ku jira oo ah da’yarka ugu wanaagsan dunida 17 jirka reer Brazil ee Endrick oo ay Real Madrid sugayso inuu kusoo biiro bisha July kaddib laba sannadood oo uu kaga maqnaa Palmeiras.

Kaalmaha labaad iyo saddexaad ayay ku kala jiraan Lamine Yamal iyo Warren Zaire-Emery, halka afraad uu soo galay dheemanka reer Turkey ee Arda Guler oo ay kasii dambeeyaan Mathys Tel iyo Kobbie Mainoo.

Halkan kaga bogo 50ka ciyaartoy ee da’yarta ah ee ugu fiican dunida waqtigan:

50. Konstantinos Karetsas, 49. Guillaume Restes, 48. Jorthy Mokio 47. Ethan Nwaneri, 46. Guille Fernandez

45. George Ilenikhena 44. Adam Aznou, 43. Harry Amass, 42. Javier Fernandez, 41. Archie Gray

40. Paul Wanner 39. Yarek Gasiordwski, 38. Chido Obi-Martin, 37. Semih Kilicsoy, 36. Rodrigo Mora,

35. Paris Brunner 34. Franco Mastantuno, 33. Francesco Camarda, 32. Eli Junior Kroupi 31. Lorran Lucas

30. Sverre Nypan, 29. Assan Ouedraogo, 28. Can Uzun, 27. Lucas Bergvall, 26. Roony Bardghji

25. Luis Guilherme, 24. Isaac Babadi, 23. Julien Duranville, 22. Dean Huijsen, 21. Dliesse Ben Seghir

20. Gianluca Pestianni, 19. Jorrel Hato, 18. Antonio Nusa, 17. Estevo Willian, 16. Lewis Miley

15. Kendry Paez, 14. Pau Cubarsi, 13. Arthur Vermeern, 12. Claudio Echeverri, 11. Gabriel Moscardo

10. Desire Doue, 9. Leny Yoro, 8. Vitor Roque, 7. Kenan Yildiz, 6. Kobbie Mainoo

5. Mathys Tel, 4. Arda Guler, 3. Warren Zaire-Emery, 2. Lamine Yamal, 1. Endrick

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*