Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dejisay qorshaheeda xilli-ciyaareedka soo socda ee 2024-25, waxaana ay xal u heshay booska difaaca dhexe ee ay dhaawacyadu ragaadiyeen fasalkii dhamaaday ee ay guulaha waaweyn gaadheen.
Antonio Rudiger iyo Eder Militao ayaa noqon doona labada ciyaartoy ee sida joogtada ah ugu soo bilaaban doona, laakiin David Alaba ayaa dagaallami doona kaddib 12 bilood oo uu u jiifay dhaawac jilibka ahaa oo soo gaadhay horraantii xilli-ciyaareedka.
Carlo Ancelotti ayaa wali sugaya go’aanka Nacho Fernandez oo loo badinayo inuu ka tago kooxda, inkasta oo maamulku ay u bandhigeen heshiis sannad ah oo kusii haynaya Santiago Bernabeu, balse haddii uu baxo, waxa Los Blancos ay booskiisa u helayaan Rafa Marin oo kasoo noqonaya amaah uu ugu maqnaa Alavez.
Sida uu qoray wargeyska Marca, Real Madrid waxa ay la saxeexan doontaa Leny Yoro oo difaaca dhexe uga ciyaara kooxda reer France ee Lile, waana 18 jir ay tayadiisu sarrayso oo ay u haysan doonaan mustaqbalka maadaama Antonio Rudiger ay da’diisu noqotay 31, sidoo kalena David Alaba oo ay dhaawacyo ragaadiyeen uu yahay 32 jir.
Khadka dhexe ee reer France ee Aurelien Tchouameni ayaa isaguna xisaabta ugu jira Real Madrid oo noqon doona dookh difaaca dhexe ah haddii laga maarmi waayo, hase yeeshee kooxda da’yarta ee Real Madrid Castilla ayaa waxa sidoo kale jooga ciyaartooyo difaac ah oo mustaqbalka loo carbinayo, sida Asencio, Jacobo iyo Ribes, halka Carrillo oo xilli-ciyaareedkii tegay dhawr jeer la ciyaarsiiyey iyo Marvel ay yihiin kuwa fursadda fiican haysta marka loo eego saddexda da’yar ee hore.
Be the first to comment