Mustaqbalka Mason Greenwood Ee Manchester United Oo Dhinac U Dhacay


Mustaqbalka xiddiga reer England ee Mason Greenwood ayaa dhinac u dhacay saacado kooban kaddib markii ay Manchester United go’aansatay in ay sii xajisato tababare Erik ten Hag oo ay waliba la furtay wada-hadallo ay kaga saxeexayso heshiis cusub.

Mason Greenwood oo xilli-ciyaareedkii tegay amaah ugu maqnaa Getafe oo amaah kaga soo qaadatay Man United ayaa bandhig heersare ah ka sameeyey horyaalka Spain ee LaLiga, isaga oo 36 ciyaarood oo uu u saftay u dhaliyey 10 gool.

Manchester United ayaa kooxaha doonaya Mason Greenwood ku xidhay £40 milyan oo Gini, mana jirto naadi waqtigan dalab rasmi ah oo iib ah kasoo gudbiyey marka laga yimaaddo xiise amaah ah sababtoo ah waxa ay kooxaha Yurub ka biyo diiddan yihiin lacagta ay dalbanayso Man United.

Kooxo waaweyn oo reer Yurub ah ayaa lala xidhiidhiyey Greenwood sida Napoli, Barcelona iyo Atletico Madrid hase yeeshee Juventus ayaa hoggaanka uhaysa tartanka loogu jiro laacibkan oo isaguna dabada ka riixaya in la iibiyo, maadaama ay taageereyaasha kooxdu kasoo horjeedsadeen markii lagu eedeeyey inuu tacaddiyo u geystay saaxiibaddii.

Wariyaha ciyaaraha Gianluca Di Marzio ayaa sheegay in Juventus ay heshiis shaqsi ah la gaadhay Mason Greenwood oo ay maalmaha soo socda dhamaystiri doonto heshiiska halka sidoo kalena ay la xaajoonayso Manchester United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*