Xiddig Laf-dhabar Ah Oo Dhaawac Kaga Maqnaaday Tababarka Xulka Qaranka England Iyadoo Jimcaha Uu Bilaabmayo Tartanka Euro 2024


Xulka qaranka England ayaa lumiyey ciyaartoy kale oo laf-dhabar ah oo dhaawac uu soo gaadhay, kaas oo ay dhakhaatiirtu ku hawlan yihiin sidii ay uga caawin lahaayeen inuu taam noqdo ka hor inta aanu bilaabmin tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee Jimcaha ka furmaya waddanka Germany.

Xulka qaranka England ee lagu naanayso Three Lions, ayaa waxa tababarkoodii maanta ka maqnaa John Stones oo jugo soo gaadhay iyo xanuun u iman kari waayey garoonka tababarka.

Ciyaartii saaxiibtinimo ee Iceland ee Salaasadii ayaa la xaqiijiyey in uu wax ku noqday John Stones, hase yeeshee waxa uu iska soo xaadiriyey tababarkii Salaasadii ka hor intii aanu ka maqnaanin tababarkii maanta.

25 ciyaartoy ayaa saaka kasoo qaadiray tababarka, waxaana ku jiray Luke Shaw oo muddo dheer garoomada ka maqnaa, hase yeeshee John Stones oo al filayey inuu tababarka qayb ka noqdo ayaan joogin garoonka.

England oo uu hore uga dhaawacmay Harry Maguire ayaa waxa hadda walaac cusub ku abuuraya John Stones, balse waxa uu Southgate isku hallaynayaa Marc Guehi oo la filayo inuu khadka dhexe kula soo bilaaban doono Lewis Dunk, Ezri Konsa ama Joe Gomez haddii uu John Stones maqnaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*