Dhaawaca Robert Lewandowski Oo Ka Cuslaaday Sidii La Moodayey Iyo Fursaddiisa Euro 2024 Oo Gabaabsi Noqotay


Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa shaki weyn uu ku jiraa in uu taam u noqonayo ciyaaraha tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee Jimcaha ka furmaya waddanka Germany, waxaana jira warar sheegaya in uu gebi ahaanba tartanka ka maqnaan doono.

Robert Lewandowski ayuu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii saaxiibtinimo ee ay Salaasadii 2-1 kaga badiyeen Turkey, waxaana booday muruqa taas oo keentay in laga saaro garoonka.

Warbaahinta Poland ayaa hore u xaqiijiyey, in Robert Lewandowski uu ka maqnaan doono ciyaarta koowaad ee xulka qarankiisa ee Group D oo ay waajihi doonaan Netherlands, hase yeeshee dhakhtarka xulka qaranka Poland oo lagu magacaabo Jacek Jaroszewski ayaa hadda ka dayriyey xaaladda laacibkan, waxaana uu sheegay in haddii dedaal badan la sameeyo uu kaliya kulanka labaad taam u noqon karayo.

35 jirkan oo 150 ciyaarood oo uu u saftay xulka dalkiisa Poland u dhaliyey 82 gool, isla markaana kulankiisii koowaad u saftay sannadkii 2008, ayaa waxa dhaawaciisu uu imanayaa iyadoo isla ciyaartii Turkey uu kuraanta kaga dhaawacmay laacibka kale ee dalkiisa ee Karol Swiderski.

Lewandowski ma aha ciyaartoyga kaliya ee Barcelona u dheela ee dhaawacma ka hor ciyaaraha qaramada Yurub, waxaase ka horreeyey Frenkie de Jong oo laga saaray xulka qaranka Netherlands markii isagana la xaqiijiyey in aanu taam u ahayn ciyaaraha qaramada Yurub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*