Tobanka Ciyaartoy Ee Premier League Ee La Filayo Inay Wacdaraha Ka Dhigaan Tartanka Euro 2024


Toban ciyaartoy oo horyaalka waddanka Ingiriiska ka dheela ayay indhuhu hayn doonaan inta uu socdo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, sababtoo ah waxa la filayaa inay wacdaro ka dhigaan garoomada oo ay si adag ugu dagaallamaan sidii ay waddamadoodu guulo u gaadhi lahaayeen.

96 ciyaartoy oo ka dheela horyaalka Premier League ayaa ka qayb-gelaya tartanka, hase yeeshee waxa laga soo dhax-xulay siddeed la filayo inay noqonayaan kuwa wacdaraha ka dhigi doona tartankan.

Bukayo Saka oo garabka weerarak uga ciyaara Arsenal iyo xulka qaranka England ayaa ah ciyaartoyga koowaad ee la filayo inuu sumcadda badan ku yeesho tartankan oo uu hore uga mid ahaa ciyaaryahannadii bandhigga fiican ka sameeyey sannadkii 2020 oo England ay timid finalkii Euro 2024 oo uu Talyaanigu rikoodheyaal kaga qaaday.

Waxa kale oo liiska ku jira difaaca Arsenal iyo xulka qaranka France ee William Saliba oo su’aashu ka taagan tahay in tababare Didier Deschamps uu siin doono boos joogto ah iyo in kale, maadaama ciyaarihii ka horreeyey ee saaxiibtinimo kaydka uu gelin jiray.

Ma jiro ciyaartoy ka hadal hayn badan Rodri oo khadka dhexe uga dheela Manchester City, laakiin waxa ay is-muujintiisu ku xidhan tahay halka uu xulka qarankiisa Spain ka gaadho tartanka.

Halkan kaga bogo 10ka ciyaartoy ee la filayo inay wacdaraha ka dhigaan Euro 2024

1. Bukayo Saka

2. William Saliba

3. Rodri

4. Bruno Fernandes

5. Phil Foden

6. Kevin De Bruyne

7. Josko Gvardiol

8. Rasmus Hojlund

9. Diogo Jota

10. Romelu Lukaku

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*