Shaxda Uu Xulka England Kula Ciyaari Doono Serbia Kulanka Koowaad Ee Euro 2024 Oo Lasii Qiyaasay


Xulka qaranka England ayaa sannadkan aad loogu saadaalinayaa tartanka Euro 2024, waxaana saaran cadaadis badan oo ah inay soo afjaraan abaarta koobab la’aanta ee haysatay tan iyo sannadkii 1966kii, waqtigaas oo ay ku guuleysteen koobka adduunka.

England ayaa ciyaarta koowaad ee Euro 2024 waxa ay ku furanayaan Serbia oo ay ku wada jiraan Group C oo ay Axadda ballansan yihiin, waxaase la isweydiinayaa xiddigaha uu tababare Gareth Southgate kusoo bilaabi doono kulanka koowaad.

Trent Alexander-Arnold ayay dad badan saadaalinayaan in uu ka ciyaari doono khadka dhexe kaddib markii loo xidhay No.8, waxaana uu Southgate raadinayaa ciyaartoy hal-abuur leh, indho furan oo baas bixintiisu fiican tahay, sidoo kalena kubbadaha ka toogan karaya bannaanka.

Waxa uu kala dooran doonaa Conor Gallagher, Adam Wharton iyo Trent Alexander-Arnold oo midkood uu ku saddexayn doono Declan Rice iyo Jude Bellingham oo  boosaskoodu aanay gorgortan lahayn. Wargeyska The Mirror ayaa saadaaliyey in Southgate uu dooranayo Trent Alexander-Arnold oo uu ka ciyaarsiin doono khadka dhexe.

Weerarka dhexe, waxa aan loogu iman doonin kabtanka xulka qaranka England ee Harry Kane oo ay dhinacyada ka xigi doonaan Phil Foden iyo Bukayo Saka, hase yeeshee difaaca oo ah meesha ay dhibaatada ugu badan ka jirto kaddib dhaawacii Harry Maguire iyo sidoo kale shaki ku jira taam ahaanshaha John Stones ayaa ay su’aaluhu kasoo noqonayaan.

Wargeyska The Mirror waxa uu sheegay in difaaca dhexe ay ka wada dheeli doonaan John Stones haddii uu taam ahaado iyo Guehi, waxaana dhinacyada ka xigi doona Kyle Walker iyo Trippier.

Waatan shaxda xulka qaranka England kula dheeli doono Serbia:

England XI: Pickford; Walker, Stones, Guehi, Trippier; Alexander-Arnold, Rice, Bellingham; Saka, Kane, Foden

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*