Cristiano Ronaldo Oo Shaaciyey Hadal Ka Nixiyey Taageereyaashiisa


Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaciyey hadal lama filaan ah oo ka nixiyey taageereyaashiisa, kuwaas oo uu u sheegay in xirfaddiisu gabaabsi tahay oo la joogo dhamaadkii waayihiisa.

Cristiano Ronaldo oo laba gool u dhaliyey xulka qarankiisa ciyaartii saaxiibtinimo ee xalay, ayaa waxa uu hadda isku diyaarinayaa tartanka qaramada Yurub, iyagoo Group F ku wada jira xulalka Czech Republic, Turmkey iyo Gorgia.

Waxay noqon doontaa tartankii 11aad ee xulkiisa uu ku hoggaamiyo, kuwaas oo lix ka mid ah ay yihiin tartanka qaramada Yurub ee Euro oo sannadkii 2016 uu dalkiisa kula guuleystay, inkasta oo ciyaartii finalka uu dibedda fadhiyey oo uu dhaawac ku baxay.

39 jirkan oo 207 ciyaarood oo uu u saftay xulka dalkiisa u dhaliyey 130 gool oo ay ku jiraan laba gool oo xalay uu ka dhaliyey Republic of Ireland oo ay kula dheeleen magaalada Aveiro, ayaa waxa uu saxaafadda u sheegay in hadda waqtigiisu gabaabsi yahay, waxaanu yidhi: “Iima hadhin sannado badan oo aan kusii jiro kubadda cagta, sidaa daraadeed waa in aan waqtiyga hadda ku raaxayso.

“Anigu waxa aan jecelahay kubadda cagta, ciyaar kastaana waxay ii tahay mid cajiib ah, balqiyaas Portugal oo ciyaaraysa tartanka qaramada Yurub, waxay ii tahay sharaf weyn iyo riyadayda sidii ay ahayd markii aan ahaa 20 jirka.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*