Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Arbaca Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub


Juventus ayaa wada-hadallo dhamaad ku dhow kula jirta Aston Villa oo ay doonayso khadka dhexe ee reer Brazil ee Douglas Luiz oo ay ku beddelanayso laba ciyaartoy iyo lacag kaash ah. (Sky Sports)

Chelsea ayaa dhamaystirtay heshiiska weeraryahanka Aston Villa ee Jhon Duran oo ah 20 jir u dhashay waddanka Colombia. (Telegraph)

Difaaca Chelsea iyo xulka England ee Levi Colwill oo 21 jir ah, waxa bartilmaameed uu u yahay Bayern Munich oo doonaysa inay la saxeexato xagaagan. Waxa sidoo kale ay Bayern doonaysaa Jonathan Tah oo ah 28 jir Jarmal ah oo u ciyaara Bayer Leverkusen. (Sky Germany)

Manchester United waxa ay diyaar u tahay inay Arsenal kula tartanto saxeexa weeraryahanka Bologna ee Joshua Zirkzee oo ah 23 jir u dhashay waddanka Netherlands, kaas oo qandaraaskiisana lagu burburin karayo £34 milyan oo Gini. (Metro)

Arsenal waxa ay ku dhibaatoonaysaa sidii ay u xajisan lahayd weeraryahankeeda da’da yar ee Chido Obi-Martin oo ah 16 jir u dhashay Denmark, waxaana ka xoogaysa Bayern Munich. (Metro)

Manchester United waxa ay calaamadsatay saddex weeraryahan oo kala ah Ivan Toney, Jonathan David iyo Zirkzee oo ay doonayso inay midkood la saxeexato xagaagan. (ESPN)

Tababaraha cusub ee Bayern Munich ee Vincent Kompany waxa uu doonayaa inuu la saxeexdo difaaca Liverpool ee Joe Gomez oo ah 27 jir hadda qayb ka ah xulka England ee ka qayb-gelaya Euro 2024. (Mirror)

Arsenal waxa ay iibinaysaa difaaceeda reer Scotland ee Kieran Tierney xagaagan, waxaana qiimaha 27 jirkan ay u go’aamiyeen £15 milyan oo Gini. (Football Insider)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*