Kooxda ku badda cagta Chelsea ayaa heshay weeraryahan dilaa ah oo ay kasoo qaadanayaan gudaha horyaalka Premier League, kaas oo aan uga baahan doonin waqti uu ku saldhigo oo uu kula qabsado horyaalka kubadda cagta Ingiriiska oo uu haddaba ka dheelo.
Chelsea ayaa iska xoojinaysa dhawr meelood oo ah difaaca iyo weerarka, sidoo kalena waxa la hadal hayaa khad dhexe oo u beddelaya Conor Gallagher haddii uu go’aansado in aanu qandaraas cusub saxeexin oo uu sii joogo.
Chelsea ayaa waxa ay heshiis buu8xa la gaadhay weeraryahanka reer Colombia ee Jhon Duran oo afka hore uga ciyaara Aston Villa, kaas oo ay ka bixin doonaan lacag dhan £42 milyan oo Gini.
Jhon Duran oo ah ciyaartoy ay kartidiisu badan tahay ayaa waxa uu Aston Villa joogay 17 bilood oo kaliya iyaga oo kala soo wareegay kooxda horyaalka Maraykanka ee Chicago Fire, balse waxa uu ku dhibaatooday inuu boos joogto ah ka helo Aston Villa iyadoo Unai Emery uu ka doorbido Ollie Watkins, Leon Baily iyo Moussa Diaby.
Waxa uu Jhon Duran weerarka Chelsea kula tartami doonaa Nicolas Jackson oo xilli-ciyaareedkiisii koowaad ee Stamford Bridge dhaliyey 17 gool, laakiin loo jeedinayo dhalleecayn badan.
Be the first to comment