DEG-DEG: Manchester United Oo Samaysay Saxeex Lama Filaan Ah Erik ten Hag


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa samaysay saxeex lama filaan ah, iyadoo isbeddelladii laga filayey Sir Jim Ratcliffe ay hadda qaarkood meesha ka baxeen.

Red Devils ayaa waxa ay wada-hadallo kula jirtaa tababaraheeda hadda ee Erik ten Hag oo ay ka saxeexayaan heshiis cusub, waxaanay meesha ka saarayaan hubanti la’aantii ka jirtay mustaqbalka macallinkan.

United ayaa go’aansatay inay kusii dhegsanaato tababaraheeda labadii sannadood ee uu joogay Old Trafford labada koob u qaaday, kaddib markii ay fashilmeen wada-hadallo ay kula jireen Thomas Tuchel oo ka diiday qaabka uu Sir Jim Ratcliffe naadiga u maamulayo.

Ten Hag oo ay da’diisu tahay 54 jir ayaa qandaraaskiisa Manchester United waxa ka hadhsan 12 bilood, waxaana hadda uu saxeexayaa heshiis cusub oo kusii hayn doona Old Trafford isla markaana shakiga ka saaraya mustaqbalkiisa sida weyn loo hadal hayey.

Wargeyska The Sun ayaa xaqiijiyey in heshiiska Erik ten Hag uu dhamaystiran yahay oo hadda kaliya ay hadhsan tahay in la shaaciyo, iyadoo waqtigan uu Ten Hag fasax ugu maqan yahay jasiiradda Ibiza oo isaga iyo xaaskiisu ay ku sugan yihiin.

Xalay ayuu soo baxay warka sheegaya in Ten Hag uu kusii negaan doono Old Trafford, waxaana hadda ay kooxdu tibaax ku bixisay in Ten Hag uu saxeexayo heshiis cusub oo muhmalka ka saaraya mustaqbalkiisa Old Trafford.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*