Carlo Ancelotti ayaa heli doona dookhyo dheeraad ah kulanka Barcelona ee El Clasico ee dhamaadka bishan, kaddib markii uu xidhiidhka kubadda cagta Spain ogolaaday in la yareeyo tirada kulamada laga ganaaxay kabtanka Real Madrid ee Nacho Fernandez.
Laacibkan ayaa laga ganaaxay saddex ciyaarood markii uu qalad xun oo doqonniimo lagu tilmaamay kula kacay weeraryahanka Girona ee Portu kulankii ay kooxdiisu 3-0 ku adkaatay, taas oo ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey uu ku qabtay taakal axmaqnimo ah.
Portu ayaa loo qaadayc usbitaalka iyadoo la saaray baabuurka gargaarka degdegga ah, laakiin nasiib wanaag dhaawaciisa ayaa noqday mid fudud, isaga oo kursiga kaydka fadhiyey ciyaartii xigtay ee Cadiz.
Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa telefoonka ka wacay Portu oo ka raalligeliyey qaladka uu kula kacay Nacho
Nacho ayaa lagu riday ganaax saddex ciyaarood ahaa, waxaana uu ka maqnaaday kulankii Osasuna oo sidoo kale ay dhaawacyo kaga maqnaayeen David Alaba iyo Eder Militao oo xilli-ciyaareedka oo dhan maqnaanaya, waxaanay taasi keentay in difaaca dhexe la geeyo Aurelien Tchouameni oo ka garab ciyaaray Antonio Rudiger.
Real Madrid oo aan rajo badan ka qabin in laga ogolaanayo rafcaan ay ka qaadatay ganaaxa saddexda ciyaarood ah ee lagu riday Nacho, ayaa maanta heshay war wanaagsan, waxaana guddida rafcaanka ee xidhiidhka Spain ay laba ciyaarood kusoo koobeen ganaaxii Nacho ee saddexda kulan ahaa, taas oo ka dhigan in uu seegayo ciyaarta Sevilla, balse uu soo laaban doono ciyaarta adag ee El Clasico ee Barcelona ay martida u nqoon doonaan.
Be the first to comment